Saudi Arabia: 717 ku dhimatey isbuurasho ka dhacdey Xajka

Image

Sept 24,2015  (GO)- Ugu yaraan 717 ayaa ku dhimatey isbuurasho ka dhacdey meel ku dhow magaalada barakeysan ee Mecca, sidaas waxa saxaafada u sheegey saraakiil ka tirsan wadanka Saudi Arabia.

Dadka dhaawacmey ayaa lagu sheegey iney gaarayaan 450 qof oo xujey ah iyadoo goobta ku sugan yihiin hay'adaha gurmadka.

Ibuurashadaan ayaa dhacdey mar ay ka qayb galayeen dad ka badan Labo milyan oo qof mid kamid ah maalmaha ugu muuhimsan ee gudahsda Xajka halka la yiraahdo Miina.

Bishaan bilowgeeda ayey aheyd markii wiish kuwa wax lagu dhiso ah ku soo dhacey mid kamid ah maajidyada Mecca halkaasoo ku dhinteen 109 qof kuna dhaawacmeen 400.

Bishaan ka hor Xajka ayaa ahaa mid aan shilal noocan oo kale ah ka dhicin kadib markii dowlada Saudi Arabia qaadey talaabooyin lagu xadidayo shilalka ka dhaca goobaha lagu cibaadeysanayo.

GAROWEONLINE+WAKAALADAHA

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM