Saudi Arabia oo joojisey duulimaadyadda caalamiga ah

Image

RIYADH, Saudi Arabia - Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqdey in ay joojisay duulimaadyadda caalamiga ah sababo la xiriira safmareenka Coronavirus, sidda ay warisay warbaahinta maxalliga ah.

Sidda laga soo xigtay warbixinadda, xukuumadda Riyadh ayaa sidoo kale waxay hakisay socdaaladda badda iyo bariga muddo todobaad ah iyadda oo lasii kordhin karo haddii loo baahdo.

Boqortooyadda ayaa si lamid ah waxay fartey rakaabka ka yimid Yurub ama dal kasta in ay waajib tahay in ay karantiil galaan mudda asbuuc ah taasoo ay wehliso tijaabo iyo kormeer.

Go'aankan, sidda ay macluumaadka muujinayaan, wuxuu saameynayaa dadka Sacuudi Carabiya galay laga bilaabo 8-da December ee sanadkan 2020.

"Duulimaadyadda waqti xaadirkan ku sugan Boqortooyadda Sacuudi Carabiya waxaa loo ogolaan doonaa in ay ambabaxaan," ayuu yiri qof si dhow ula socda xaalada oo la hadlay Al Jazeera.

Xayiraadaha cusub ee Sacuudiga soo rogay ayaa kusoo hagaagaya xilli laga cabsi qabo in Covid-19 soo laba-kacleeyo kahor bilashasha sanadka cusyb ee 2021 iyo dabaaldega Ciida Masiixiyiinta.

Sacuudiga ayaa kala siman dowladaha caalamka talaabooyin ay uga sii baaraan-degayaa khatartaas laga cabsi qabo, wallow lasoo saareh talaal la sheegay in uu si wax ku ool ah uga horgagyo Covis19.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM