Senate-ka Mareykanka oo Ansixiyay Garsoore Brett Kavanaugh

Image

WASHINGTON - Senat-ka Mareykanka ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii ansixiyay Brett Kavanaugh in uu noqdo garsoore ka tirsan maxkamadda sare ee dalkaasi, kadib isbuucyo hareeyay noloshiisa eedeymo la xiriira kufsi iyo in uu yahay qof xanaaq badan.

50 senator, oo mid kaliya uu Dimuqraaddi ka yahay, ayaa ku codeeyay 'Haa,' halka 48 senator oo wada Dimuqraaddi ahna ay 'Maya' ku codeeyeen.

Quburrada ka faallooda siyaasadda, ayaa sheegaya in magacaabista Kavanaugh ee madaxweyne Donald Trump uu u xushey shaqada maxkamadda sare ay maxkamadda sare ka dhigi doonto mid ay ku bataan garsoorrada muxaafadka ah.

Kavanaugh, ayaa ah 53 jir, waxana shaqada loo igmaday ay tahay mid uu joogi karo inta noloshiisa ka dhiman.

Kavanaugh ayaa baddalaya garsoore Anthony Kennedy, oo dhawaan howl-gab ka noqdey howsha shaqada.

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM