Seoul: danjiraha Maraykanka oo mindi lagu weerarey

Image
Image

March 5, 2015 (GO)- Nin mindi ku hubeysnaa ayaa dhaawacay safiirka Maraykanka u jooga magaalada Seoul ee xarunta dalka Koonfurta Kuuriya, Mark Lippert.

Ninka weerarka geystey oo 55jir ah ayaa wejiga iyo gacanta bidix mindi kaga sarey safiirka, xilli uu ku sugnaa goob isaga iyo diblumaasiyiin kale ku quraacanayeen.

Booliska ayaa durbadiiba qabtey ninka oo la sheegay in lagu magacaabo Kim Ki-jong, kaasoo caan ku ah u ololeynta dib u midoobista labada Kuuriya hadda ka horna dhagxiyey safiirka Japan u jooga Seoul.

Madaxweyneyaasha Maraykanka iyo Koonfur Kuuriya; Barack Obama iyo Park Guen-hye ayaa si wadajir ah u cambaareeyey falkan.

Xiriirka Koonfur Kuuriya iyo Maraykanka ayaa ah mid aad u wanaagsan, waxaana xusid mudan in ciidamada labada dal todobaadkan horraantiisii si wadajir ah dhoollatusyo militeri isula sameeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM