Shacab lagu dhaawacay Ceerigaabo Sanaag

Image

10 November, 2015(GO)-Ciidamada amniga magalada Ceerigaabo gobolka Sanaag ayaa rasaas nool u adeegsaday shacab dhigayay banaan bax kuwaasi oo xiray waddooyin ku  yaalla magalada isla markaana gubay taayaro.

Inta la ogyahay sideed ruux ayaa dhawacmay kuwaasi oo haleeshay rasaas ka timi dhinaca ciidamada amniga oo doonayay inay soo xiraan shakhsi ka trisan ciidanka, kaasi oo loo haystay eedaymo aan la cadayn.

Dadka dhaawacmay labo ka mid ah, ayaa wararku sheegayaan inay xaaladooda caafimaad aad u adagtahay.

Askari ka tirsan ciidamada rasaasta riday, ayaa warbaahinta u sheegay in dadkaasi ka soo horjeedeen amniga, sidaa darteen tahay waajib saaran inay dowladda ka qabtaan shakhsiyaadka wada amni darada.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM