​Shacabka dalka Gabon oo ka walaacsan fowdo siyaasadeed

Image

Wararka laga helayo dalka Gabon ayaa sheegaya in shacabka ku jiraan diyaar garow xooggan iyagoo ku mashquulsan iibsiga waxyaabaha daruuriga ah.

Bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa safaf dhaadheer ugu jira dukaamadda iyo xawaaladaha waddankaas si ay qaataan wax allaale iyo waxay awoodaan.

Shacabka ku nool caasimadda Libreville ee dalka Gabon, ayaa ka walaacsan muranka siyaasadeed oo muddooyinkii dambe ka taagnaa dalkaas, kadib guushii uu gaaray madaxweyne Cali Bongo.

Waxay taxadar ka muujinayaan rabshado bilowda maadama mucaaradku si weyn uga biyo diidsanyihiin natiijadii doorashada iyagoo madaxweynahan mudada dheer dalkaasi ka talinayay ku dhaliilay inuu codadkii doorashada ku shubtay.

Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalkaas ayaa go'aan ka gaari doonta natiijada doorashada lagu muransanyahay.

Dowladda dalkaasi ayaa sheegtay in hogaamiyaha mucaraadka, Jean Ping, uu qaadi doono mas'uuliyadda rabshadaha ka dhasha go'aanka maxkamadda.

Madaxweyne Cali Bongo ayaa lix boqol oo kun oo cod kaga guuleystay ninka la tartamayay ee Jean Ping, balse mucaaradka ayaa ku doodaya in doorashadaasi lagu shubtay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran

Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 08:38PM

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM