Shacabka Mandheera oo ka dibad-baxay dadka la laayay

Image

28 December, 2015(GO)-Boqolaal katirsan shacabka ku nool magalada Mandheera gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayaa dibad-bax rabshado wata ka dhigay magalada kadib markii ciidamada Millateriga dalkaasi dileen labo ruux oo shacab ah shan kalena dhaawaceen.

Dadka dibad baxa dhigay ayaa ku dhawaaqayay eroyo ka dhan ah ciidankaasi, waxayna sheegeen in si bareer ah u dileen dad rakaab ah.

Millateriga dalkaasi ayaa falkan ka hadley waxayna sheegeen inay u maleeyeen mallayshiyaad katirsan kooxda Al-Shabaab islamarkaana gaariga moodeen inu wado qarax.

Balse, gudoomiyaha degmada Mandheera Cali Roba oo hadlay ayaa ciidamada falkan gaystay ku dhaliilay tallaabada ay qaadeen, wuxuuna cadeeyay dhibanayaashu inaysan ahayn Al-Shabaab gaarigana uusan sidin qarax maadama sida hadalka u dhigay isagu goobta tagay.

Tallaabadan ayaa dadka banaan baxaya qaybtood u fasirteen inay aargoosi u tahay tiro katirsan Boliiska Kenya oo siyaabo kala duwan Shabaab ugu dileen xadka dalkaasi uu la wadaago Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM