Shan qof oo xabsi daa'in loogu xukumay dilka safiir

Image

ANKARA, Turkey – Maxkamad ku taal dalka Turkiga ayaa shan qof ugu xukuntay xabsi daa’in falkii lagu khaarijiyey safiirkii Ruushka kaasoo ka dhacay Ankara in ka badan shan sano ka hor, sidda laga soo xigtay warbaahinta Turkiga.

Andrei Karlov waxaa toogtay nin boolis ah oo shaqada fasax kaga maqnaa xilli uu ka hadlayey furitaanka bandhig sawir oo lagu qabtay caasimada Turkiga bishii Diseembar 19-keeda sanadka markii uu ahaa 2016-kii.

Mevlut Mert Altintas, 22, wuxuu ku qeyliyay "Ha iloobin Aleppo!" isaga oo kadib rasaasta furay, isagoo sida muuqata ula jeeday ku lug lahaanshaha Ruushka ee dagaalka Suuriya. Gacan ku dhiiglaha kadib waxaa toogtay bileyska.

Warbaahinta dowladda ee TRT Haber ayaa sheegtay Talaadadii in seddex ka mid ah xukumaneyaasha garka loo geliyey laba xabsi daa'in ah oo aan la sii deyn, halka labada kale midkiiba lagu xukumay min xabsi daa'in ah.

Lix tuhmane oo kale ayaa la sii daayay halka toddobo kalena lagu helay inay ka tirsan yihiin koox "argagixiso" oo hubaysan, idaacadda NTV ayaa werisay, iyada oo aan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Madaxweyne Tayyib Erdogan ayaa sheegay in dhaq dhaqaaqa uu horkacayo wadaadka Fethullah Gulen ay geysteen dilka, balse way iska fogeeyeen.

Ankara ayaa sidoo kale Gulen oo masaafuris iskiis ah ugu nool Mareykanka ah tan iyo 1999 waxay ku eedeysay afgambigii dhicisoobay ee July 2016.

Sannadkii 2018-kii, Turkiga ayaa 28 qof ku soo oogay dilka, iyagoo Gulen u magacaabay eedeysanaha koowaad.

Eedeysanayaasha ayaa waxaa lagu soo oogay inay isku dayeen inay "ridaan nidaamka dastuuriga ah", ka mid ahaanshaha "urur argagixiso" iyo dil qorsheysan. Kiisaska Gulen iyo sagaal qof oo kale ayaa si gooni gooni ah loo maareeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan oo diyaarado dagaal u dirtay Saudi Arabia xili uu fashilmay Wadahadalka Islamabad

Falanqeeyayaasha amniga ayaa rumeysan in u dirista diyaaradahan aysan ahayn mid militari ahaan wax weyn ka beddelaysa awoodda difaaca.

  • Caalamka

    12-04-2026

  • 09:41AM

Mareykanka iyo Iiraan oo ku kala tagay wadahadalladii Islamabad

Madaxweyne ku-xigeenka J.D. Vance ayaa sheegay in Maraykanku uu si daacad…

  • Caalamka

    12-04-2026

  • 02:47AM