​Shaqaale katirsan QM oo lagu afduubay Sudan

Image

Koox hubaysan ayaa 3 katirsan Shaqaalaha Qaramada Midoobey ku afduubay galbeedka dalka Sudan, halkaasi oo mudo ka badan 20 sano ay ka taagan yihiin dagaallo ay dad badan ku dhinteen.

Abdelah Mustafa, oo ah Sarkaal sare oo katirsan dowladda Sudan ayaa u sheegay AFP in shaqaalaha Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa lagu afduubay gobolka ay xasaraduhu ka taagan yihiin ee Darfur.

Labo kamid ah shaqaalaha la afuubay waxay u dhasheen dalka Nepal, halka midka saddeexaad uu kasoo jeedo wadanka Sudan, kuwaasi oo u shaqeynayay UNHCR.

Ciidamada Booliska Sudan ayaa sheegay inay ku raadjoogaan Kooxda Afduubka ka dambaysa, si ay usoo furtaan shaqaalaha Hay'adda dhanka xaqootiga u qaabilsan QM ee UNHCR.

Tan iyo 2003, Gobolka Darfur waxaa ka socdo Colaad ay ku dhimatay ugu yaraan 300,000 oo qof, waxaana ku barakacay dad gaaraya 2.5 million oo qoys, sida ay QM sheegtay.

Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al Bashiir ayaa lagu eedaayay inuu ka dambeeyo colaadda gobolka Darfur, waxaana si aad ah u doon-doonaysa Maxkamada ICC.

GAROWEONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM