Shaqaale lagala degay markab laga leeyahay Turkiga

Image

ANKARA, Turkey – Burcad-badeed ayaa ku weerartay markab xamuul oo laga leeyahay Turkiga meel ku dhow xeebta Galbeedka Afrika, iyagoo afduubay 15 badmaax isla markaana dilay mid ka mid ah, sidda uu Axada maanta ah shaaca ka dhigay milatariga Turkiga, oo qorsheynaya hawlgal badbaadin Axaddii.

Agaasinka Badda ee Turkiga ayaa tibaaxay in shaqaalihii markabka marki hore isku soo xireen meel amaan ah laakiin burcad badeeda ay ku qasabtay in ay soo baxaan lix saacadood kadib. Intii halganku socday, hal shaqaale oo saarnaa markabka M / V Mozart waxaa la sheegay in uu ku geeriyooday.

Warbaahinta Turkiga ayaa warisay qofka dhintay uu yahay Injineer Farman Ismayilov oo u dhashay Azerbaijan, isla markaana ahaa shaqsiga kaliya ee kamid ahaa shaqaalaha ee aan kasoo jeedin Turkiga.

Markii ay qafaasheen shaqaalihii badidood Sabtidii, burcad badeedda waxay markabka uga tageen Gacanka Guinea iyadoo ay la socdeen seddex badmaax, sidda ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu. Markabku wuxuu hadda kusii jeedaa Gabon's Port-Gentil.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyib Erdogan, ayaa labo jeer la hadlay sarkaalka sare ee ku haray markabka Furkan Yaren, sidda ay ku sheegtay madaxtooyada Turkiga qoraal ay soo dhigtay barta Twitter-ka. Waxay intaa ku dartay in Erdogan uu soo saaray amarro ku saabsan soo badbaadinta shaqaalihii la afduubtay.

Yaren ayaa laga soo xigtay inuu yiri "in burcad badeedu way garaaceen shaqaalihii markabka, waxayna ka dhaawaceen lugta qaarkood halka mid kale oo wali saaran markabka uu qaybo jirkiisa kamid ah dhaawacyo ka soo gaareen".

"Milkiilayaasha iyo howl wadeenada markabka M / V Mozart, oo lagu afduubtay gacanka Guinea, waxay si murugo leh u xaqiijiyeen in mid ka mid ah shaqaalihiisii la dilay kuwa kalena la afduubay," ayay tiri hay'adda Boden Maritime.

Badda ugu halista badan

Mozart-ka oo sitay calanka Liberia ayaa kasoo shiraacday Lagos, Nigeria, wuxuuna kusii jeeday Cape Town ee South Africa markii lagu weeraray meel 100 mayl-badeed (185km) u jirta waqooyi-galbeed Jasiiradda Sao Tome iyo Principe subaxnimadii Sabtida.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Turkiga, Mevlut Cavusoglu, ayaa la hadlay dhigiisa Azerbaijan si uu ugu tacsiyeeyo wuxuuna sheegay in meydka shaqaalaha la wareejin doono marka markabka Mozart uu gaaro dekedda.

Sidda ay wararku sheegayaan, burcad badeeddu waxay curyaamiyeen inta badan nidaamyadii xiriirka markabka, iyagoo reebay kaliya nidaamka hagidda shaqaalaha haray si ay u helaan jidkooda dekedda.

Gacanka Guinea - oo ka baxsan xeebaha Nigeria, Guinea, Togo, Benin iyo Cameroon - waa badda ugu halista badan adduunka budhcad-badeednimada darteed, sidda laga soo xigtay Xafiiska Badaha Caalamiga ah.

Bishii Luulyo 2019, 10 badmaax oo Turkish ah ayaa laga afduubay xeebta Nigeria. Waa la sii daayay wax ka yar bil kadib. Fahfaahin badan lagama bixin qaabka ay xorriyadooda ku heleen. Waxaa jira warar sheegaya in madax furasho laga bixiyey, balse ma jiraan illo wareedyo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM