Sharaxaad: Maxaa sii hurinaya xasillooni-darrada Liibiya?

Image
Kacdoonkii 2011 ka dib, Dbeibah waxay la bahoobeen maleeshiyaad awood badan oo loo yaqaan Guutada Misrata.

TRIPOLI, Libya – Sannad ka hor, Liibiya waxay u muuqatay in ay ku socoto waddo jilicsan oo dimuqraadi ah ka dib in ka badan toban sano oo dagaal sokeeye ah. Hadda, waxa ay u muuqataa in ay dib ugu laabanayso khilaaf iyo kala qaybsanaan.

Ka dib tillaabooyin horudhac ah oo loo qaaday dhinaca midnimada, dalka ayaa mar kale kala go’aya iyadoo ay awood sheeganayaan laba ra’iisul wasaare oo iska soo horjeeda.

Calaamadihii ugu horreeyay ee dhibaato ba’an ayaa soo shaac baxay dabayaaqadii sannadkii hore markii doorashada madaxweynaha ee loo qorsheeyay inay dhacdo 24-ka December dib loo dhigay muddo aan la cayimin. Dib u dhaca ayaa salka ku haya khilaafka ka dhashay musharixiinta xaqa u leh in ay tartamaan iyo xeer hoosaadka doorashada.

Doorashada ayaa la rabay in lagu badalo dowlada ku meel gaar ah oo la soo dhisay sanad ka hor oo uu madax ka yahay Ra'iisul Wasaare Abdul Hamid Dbeibah.

10-kii Febraayo, baarlamaanka ayaa u magacaabay Fatxi Bashagha, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha, inuu soo dhiso xukuumad cusub. Waxay sheegtay in doorashada lagu qabto 14 bilood gudahood.

Dowlado is barbar socda

Dad badan oo Liibiyaan ah iyo xeeldheerayaal, waxa ay leeyihiin waxa ay u egtahay in ay soo laabanayaan dowlado isbarbar socda, oo ay suurtagal tahay in dagaallo kale dhacaan. Dalka Liibiya ayaa waxaa hareeyay colaado tan iyo markii ay isbaheysiga NATO taageerto ee Carabta ay xukunka ka tuureen hoggaamiyihii hore ee dalkaasi Mucamar Al-Qadaafi sanadkii 2011-kii.

Dalku waxa uu ahaa mid sanado badan u kala qaybsamay maamulo iska soo horjeeda oo bari iyo galbeed ka jiray, mid walbana waxa taageerayey maleeshiyaad iyo dawlado shisheeye.

Isku dayo ay beesha caalamku ku doonaysay in ay ku caawiso midaynta dalka ayaa la fashiliyay ka dib markii xisbiyada awoodda leh ee Liibiya iyo taageerayaashooda shisheeye ay diideen in ay tanaasul sameeyaan.

Doorashadu waxay dib u dhacday ka dib markii lagu guul darraystay in la isku waafaqo sharciyada doorashada ama xitaa cidda xaqa u leh in ay u tartanto.

Wakiilo dhowr ah oo Qaramada Midoobay u jooga dalka ayaa ka tagay xafiiska iyagoo ka niyad jabay rabitaanka xisbiyada Liibiya ee ah in ay ka tanaasulaan awoodda iyo lacagaha la uruuriyay intii lagu jiray dagaalka sokeeye.

Bashagha iyo Dbeibah labaduba waxay na tusi karaan xaaladda in ay tahay halgan u dhexeeya "sharci iyo sharci darro", ayuu yiri Wolfram Lacher, khabiir Libyan ah oo ka tirsan machadka cilmi-baarista SWP ee fadhigiisu yahay Berlin.

"Runtii, waa halgan u dhexeeya laba dhinac oo labaduba doonaya in ay awoodda u adeegsadaan si sharci daro ah oo aan lahayn isla xisaabtan," ayuu yiri. Waa ku waan ciyaartoyda ugu muhiimsan dalka;

Laba ra’iisul wasaare

Bashagha iyo Dbeibah labaduba waxay ka yimaadeen Misrata, magaalo ku taal galbeedka Liibiya. Maleeshiyaadkeeda oo si wanaagsan u hubeysan ayaa muhiim u ahaa dagaalka Mareykanka uu taageerayo ee lagu qaaday kooxda hubeysan ee ISIL (ISIS) sanadkii 2016-kii, waxaana u dambeeyay weeraro ay 2019 ku qaadeen caasimadda Tripoli ciidamada fadhigoodu yahay bari ee Khalifa Haftar.

Bashagha oo 59 ah, waa duuliye hore oo ciidamada cirka ah iyo ganacsade. Wuxuu wasiirka arrimaha gudaha ka soo noqday maamulkii ay Qaramada Midoobay taageeri jirtay ee Tripoli laga soo bilaabo 2018 ilaa March 2021, markaasoo wadahadal ay Qaramada Midoobay hormuud ka ahayd ay horseedeen in la dhiso dowlad ku meel gaar ah.

Waxa uu isku dhigay mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu awooda badan galbeedka Liibiya, inkastoo ay isku dhaceen qaar ka mid ah maleeshiyaad deegaanka ah.

Waxa uu xiriir la yeeshay Turkiga, Faransiiska, iyo Maraykanka, laakiin sidoo kale waxaana la dhacsanayn siyaasadiisa Masar iyo Ruushka - kuwii ay iska soo horjeedeen intii lagu jiray duullaanka Tripoli.

Bashagha waxa uu damcay in uu hogaamiyo dawladii ku meel gaarka ahayd,balse waxa ka adkaaday Dbeibah habraac ay garwadeen ka ahayd Qaramada Midoobay oo ay hareeyeen eedaymo musuqmaasuq.

Waxa uu sidoo kale qorsheynayay inuu u tartamo madaxweyne, isagoo rajeynaya inuu la tartamo Haftar, Dbeibah iyo ina Gaddafi, Seif al-Islam, ka hor inta aan tartanka laga reebin December.

Dbeibah, oo shahaadada jaamacadeed ee injineernimada ka soo qaadatay Canada, waa nin ku cusub siyaasadda. Waxaa la rumeysan yahay inuu ku tiirsan yahay hantida nin ay qaraabo yihiin, Ali Dbeibah, oo ka mid ah dadka ugu taajirsan Liibiya, kaasoo ahaa siyaasi xilligii Qadaafi.

Kacdoonkii 2011 ka dib, Dbeibah waxay la bahoobeen maleeshiyaad awood badan oo loo yaqaan Guutada Misrata.

Isagoo madax ka ah dowladda ku meel gaarka ah, Dbeibah, waxa uu samaystay cadaw siyaasadeed. Waxa uu balan qaaday in aanu isku soo sharixi doonin xilka madaxtinimo, balse waxa uu ka noqday balantii uu qaaday,waxana uu ku dhawaaqay in uu yahay musharax,taasi oo kala fogaysay qaar ka mid ah taageerayaashiisa ugu awooda badnaa. Dbeibah waxa ay inta badan isku dhacsanaayeen afhayeenka baarlamaanka ee awooda badan Aguila Saleh iyo Haftar.

Ninka xooga badan ee kala qaybiya bariga

Haftar waxa uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan milatariga xilligii Qadaafi, laakiin waxa uu goostay sannadihii 1980-aadkii intii uu socday dagaalkii Liibiya ay kula jirtay Chad. In ka badan labaatan sano ayuu markii dambe ku sugnaa Washington, xilligaas oo dad badan ay rumeysan yihiin inuu la soo shaqeeyay CIA-da.

Wuu soo noqday oo ku biiray 2011 kacdoonkii ka dhanka ahaa Qadaafi. Sannadkii 2014-kii, ciidamadiisa Carabta ee Liibiya waxay la dagaallameen kooxihii isaga soo horjeeday ee bariga iyo koonfurta Liibiya. Waxay hadda maamulaan bariga Liibiya iyo inta badan koonfurta, oo ay ku jiraan saliidaha muhiimka ah iyo marinnada.

Bishii Abriil 2019, wuxuu isku dayay inuu qabsado Tripoli. Ololihiisii millatari ee 14-ka bilood socday ayaa guuldarreystay, taasoo horseeday xabbad joojin ay dhexdhexaadinaysay Qaramada Midoobay iyo wadahadallo siyaasadeed oo lagu dhisay dawladda ku meel gaarka ah ee Dbeibah.

Haftar oo haysta dhalasho Maraykan ah iyo Liibiyaan ah ayaa haysta taageerada Masar iyo Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale Faransiiska iyo Ruushka. Kooxaha ay xafiiltamaan ayaa waxaa inta badan caawiya Turkiga iyo Qatar.

Wuxuu ku dhawaaqay inuu u tartamayo xilka madaxtinimo, isagoo ololihiisa ku dhisay inuu awood u leeyahay inuu amni iyo xasilooni ku soo dabaalo deegaanada uu maamulo. Dadka dhaleeceeya Haftar waxay ku eedeeyeen inuu doonayo inuu dhiso xukun kalii talisnimo ah.

Ciidamada Haftar ayaa soo dhaweeyay magacaabista Bashagha, iyaga oo sameeyay isbahaysi ka dhan ah Dbeibah.

Laakin iskaashiga noocan oo kale ah wuxuu keeni karaa kharash ku baxa ra'iisul wasaaraha la magacaabay. Waxay u badan tahay in ay adkeyn doonto dadaalkiisa ah inuu hoggaamiyo sharci fulinta dhabta ah iyo dib u habeynta waaxda amniga, ayuu yiri Jalel Harchaoui, oo ah cilmi-baare Liibiyaan ah.

Bashagha ayaa sidoo kale wajahaya caqabado kale, ayuu yiri Harchaoui. Waxa uu u baahan yahay in uu helo qaab uu ula shaqeeyo Sadiiq al-Kabir oo ah guddoomiyaha bangiga dhexe ee Liibiya, kaas oo dhawaan ku dhawaaqay tallaabooyin uu ku midaynayo laamihiisa bariga iyo galbeedka. Bangigu waa kaydka balaayiin doollar sannadkiiba dakhliga ka soo gala kaydadka saliidda ee waaweyn ee Liibiya, iyo sidoo kale kaydka shisheeye.

Walaaca kale ee ugu weyn ee Bashagha waa kalsooni darada qotoda dheer ee Haftar oo ay wadaagaan qaar badan oo reer galbeedka ah. "Dhibaatada ayaa aad uga sii dari karta haddii aan su'aalahaas si xeeladaysan loo xallin," ayuu yiri falanqeeyaha.

Qadaafi hal mar oo dhaxal sugaha ah

Markii Seif al-Islam Qadaafi uu ka soo baxay sannado uu dhuumaaleysi ku jiray bartamihii bishii November, si uu ugu dhawaaqo inuu u tartamayo xilka madaxtinimada, waxa uu argagax ku riday guud ahaan dalka Libya.

Dhaxal sugaha hal mar ayaa laga sii daayay xabsiga ay maamulaan maleeshiyaadka sanadkii 2017, balse waxaa wali baadi goobaya maxkamada caalamiga ah ee dambiyada dagaalka iyadoo lagu eedeeyay dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada intii uu socday kacdoonkii 2011-kii.

Waxa uu si tartiib tartiib ah u hindisay soo noqoshadiisa siyaasadeed, isaga oo ka faa'ideysanaya cilladii dagaalku abuuray. Wuxuu inta badan ku tiirsan yahay xiriirka uu la leeyahay qabaa’ilka dalka oo dhan, wuxuuna la heshiiyaa maleeshiyaad beri cadawgiisa ugu weyn ahaa.

Harchaoui wuxuu sheegay in horumaradii u dambeeyay ay dhinac ka dhigeen Seif al-Islam, inkastoo uu caan baxay, sababtoo ah ma amro daacadnimada rag hubaysan oo ku filan.

"Fikirka dadka inta badan waa la iska indho-tiray, habka doorashaduna waxa uu ahaa qaab aad u liitaa," ayuu yiri. "Bey'addan oo kale, Seif aad ayuu u khuseeyaa."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Yahuuda oo duqeyn cusub ku laysay tobanaan qof Falastiini ah

Xiisad ayaa ka taagneyd guud ahaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaan.

  • Caalamka

    18-05-2024

  • 03:26AM

Ra'iisul Wasaaraha Slovakia oo lala beegsaday isku-day khaarijin ah

Robert Fico oo xukunka kusoo laabtey sanadkii hore ayaa u jaranjeera dhanka Ruushka.

  • Caalamka

    16-05-2024

  • 03:40AM