Bahrain oo jinsiyadda kala noqotay 69 qof oo lagu eedeeyay taageerada weerarrada Iran

Image

Manama – Dowladda Baxreyn ayaa jinsiyadda kala noqotay 69 qof kadib markii lagu eedeeyay inay taageereen weerarradii Iran ku qaaday dalkaasi intii uu socday dagaalka u dhexeeyay Iran iyo isbahaysiga Israa’iil iyo Mareykanka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Baxreyn ayaa Isniintii shaacisay in dadkaasi laga qaaday jinsiyaddooda, iyadoo sheegtay in qaar kamid ah ay qaraabo ahaayeen isla markaana lagu tuhunsanaa inay u muujinayeen taageero Iran iyo inay “la shaqeynayeen dhinacyo shisheeye”.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Tehran ay weerarro ku qaaday xarumo ku yaalla Baxreyn, taasoo qeyb ka ahayd dagaalkii ay Iran la gashay Israa’iil iyo Mareykanka.

Wareegto uu soo saaray Boqor Hamad bin Isa Al Khalifa ayaa lagu sheegay in dhammaan 69-ka qof ay ahaayeen “dad asal ahaan aan Baxreyni ahayn”. Sida uu dhigayo sharciga Baxreyn, qofka waxaa laga qaadi karaa jinsiyadda haddii lagu helo inuu waxyeello u geystay dalka ama uu muujiyay daacad-darro.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee fadhigeedu yahay London, Bahrain Institute for Rights and Democracy, ayaa tallaabadan ku tilmaantay mid “halis ah” isla markaana si cad uga hor imaaneysa sharciga caalamiga ah.

Hay’addu waxay sheegtay in aan si rasmi ah loo shaacin magacyada dadka laga qaaday jinsiyadda, isla markaana aan la ogeyn inay xiran yihiin iyo in kale, inay dalka gudihiisa joogaan ama dibadda, iyo inay haystaan jinsiyad kale.

Iran ayaa billowday weerarrada ka dhanka ah dalalka Khaliijka 28-kii Febraayo, wax yar kadib markii Israa’iil iyo Mareykanka ay weerarro ku qaadeen Iran.

Tehran waxay ku eedeysay dalalka la beegsaday inay u oggolaadeen Mareykanka inuu weerarradiisa ka fuliyo dhulkooda. Weerarrada jawaabta ahaa ee Iran ayaa la sheegay inay waxyeello weyn gaarsiiyeen saldhigyo militari oo Mareykanku ku leeyahay gobolka, oo ay ku jirto saldhigga ciidamada badda ee ku yaalla Baxreyn oo lagu garaacay gantaallo iyo diyaarado drone ah.

Iran ayaa joojisay weerarrada ay ku hayay dalalka Khaliijka 9-kii Abriil kadib xabbad-joojin uu dhexdhexaadiyay Pakistan, inkastoo wada-hadallada lagu doonayo in si rasmi ah loo soo afjaro dagaalka ay weli socdaan.

Bulshada Shiicada ee Baxreyn ayaa muddo dheer ku eedeynaysay dowladda inay takoor ku hayso. Intii lagu jiray kacdoonkii Carabta ee sanadkii 2011, mudaharaadyo ballaaran ayaa dalka ka dhacay, iyadoo dowladda Baxreyn ay marar badan Iran ku eedeysay inay hurineyso kacdoonnada gudaha dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Maraykanka ku Eedeysay Fashilka Wadahadalladii Pakistan

Dhinaca kale, wakaaladda wararka ee Fars ayaa sheegtay in Iiraan ay farriimo qoraal ah u dirtay Maraykanka iyada oo sii marsiisay Pakistan.

  • Caalamka

    27-04-2026

  • 12:54PM

Lavrov: Mareykanka wuxuu u weeraray Iran iyo Venezuela si uu u xukumo tamarta adduunka

Wasiirka ayaa intaas ku daray in tallaabooyinka Mareykanka ee dalalka Iiraan iyo Venezuela ay si cad ugu xiran yihiin danaha tamarta.

  • Caalamka

    27-04-2026

  • 08:10AM