Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo ka tagey Pakistan isaga oo aan la kulmin ergadii Mareykanka

Image

ISLAMABAD, Abriil 25 — Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Araqchi, ayaa fiidnimadii Sabtida ka dhoofay Pakistan isaga oo ku adkaystay go’aankiisa ah inuusan si toos ah ula kulmin ergadii Mareykanka, sida ay sheegeen laba mas’uul.

Araqchi ayaa sheegay in Tehran ay sii wadi doonto dadaallada dhexdhexaadinta ee Pakistan “ilaa natiijo laga gaarayo,” kaddib markii uu kulamo la yeeshay Taliyaha Ciidanka Pakistan, Field Marshal Asim Munir, iyo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa Jimcihii sheegay in Madaxweyne Donald Trump uu u dirayay ergayadiisa gaarka ah Steve Witkoff iyo Jared Kushner, oo ah sodoggiisa, si ay ula kulmaan Araqchi magaalada Islamabad.

Si kastaba ha ahaatee, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa sheegtay in wadahadalladu ay noqon doonaan kuwo aan toos ahayn, iyadoo mas’uuliyiinta Pakistan ay gudbin doonaan farriimaha labada dhinac.

Mas’uuliyiin Pakistani ah oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin ayaa wakaaladda Associated Press u sheegay in Araqchi uu ka baxay caasimadda Pakistan isaga oo aan la kulmin ergada Mareykanka.

Dabayaaqadii Sabtida, Trump ayaa sheegay inuu baajiyay safarkii ergaydiisa, isaga oo u sheegay Fox News: “Waxaan dadkeyga u sheegay wax yar ka hor iyagoo isu diyaarinayay inay baxaan, waxaanan iri, ‘Maya, safar 18 saacadood ah uma aadaysaan halkaas si aad u fadhiisataan oo aad uga hadashaan wax aan natiijo lahayn.’”

“Wax walba annaga ayaa gacanta ku hayna. Way na soo wici karaan mar kasta oo ay doonaan,” ayuu raaciyay.

Araqchi ayaa qoraal uu ku daabacay Telegram ku sheegay inuu Munir iyo Sharif kala hadlay xaaladaha gobolka, oo ay ku jiraan waxa uu ugu yeeray xuduudaha cas ee Iran ee wadaxaajoodka.

Ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah, balse wuxuu xusay in Iran ay sii wadayso ka qaybgalka dadaallada dhexdhexaadinta Pakistan “ilaa natiijo laga gaarayo.”

Islamabad ayaa ku jirtay xaalad amni oo aad loo adkeeyay ka hor wadahadallada la filayay, iyadoo dadka deegaanka ay la kulmeen dhibaatooyin safar oo ka dhashay baraha koontaroolka, xiritaanka waddooyinka iyo leexinta gaadiidka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM