Shirkada diyaardaha dalka Jabuuti oo duulimaadyo dib u bilaabeysa

Image

DJIBOUTI- Shirkada diyaaradaha dalka Jabuuti ayaa heshay diyaaradii ugu horeysay oo kuwa ganacsiga ah Boeing 737-400 taasoo dhowaan bilaabi doonta duulimaayadeeda.

 Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, Mareeyaha shirkada diyaaradaha dalka Jabiuti Iyo marti Sharaf kale ayaa garoonka diyaardaha ee wadankaas ku soo dhoweeyey diyaarada Iyo shaqaalaheeda waxaana halkaas lagu qabtey xaflad kooban.

Bruce Dickinson oo ah madaxa shirkada diyaaradaha Cardif ayaa maamuli  doonta shirkadaan, isagoo shaqsiyan keeney diyaaradaan. 

Diyaaradaan ayaa waxay kasoo duushey magalaada Cardiff waxeyna shidaal kasoo qaadatey Malta.

Shirkada diyaardaha dalka Jabuuti oo duulimaayadeeda bilaabi doonta August 16, 2016 ayaa u kala gooshi doonta Marka hore wadamada ku dhow dalkaas. 

Dalka Jabuuti ayaa Bisha September la imaan doona labo diyaaradood oo noocoodu yahay BA146-300 halka 767-200 Boeing keensan doonaan Bisha December. 

In shirkada diyaardaha dalka Jabuuti dib loo bilaabo waxaa khasbay madaama wadankaas noqonayo goob ganacsi islamarkaana balaarin ku wada kaabayaashiisa dhaqaalaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM