Shirkadda Facebook oo raaligalin bixisay

Image

San Francisco - Mark Zuckerberg oo aasaasay Facebook ayaa qirtay in barta ay bulshadu ku xiriirto ay "khalad samaysay" taasina ay horseeday in shirkad samaysa latalin dhanka siyaasadda ah ay hesho xogta shaqsiga ee macaamiisha Facebook.

Shirkadda Cambridge Analytica ayaa lagu eedeeyay in ay si aan munaasab ahayn u adeegsatay xogta macaamiishaas iyaga oo matalaya siyaasiyiin macaamiil u ah.

War qoraal ah oo uu soo saaray ayuu Zuckerberg ku sheegay "in meel ka dhac lagu sameeyay aaminaaddii".

Waraysi dambe oo uu siiyay shirkadda CNN ayuu ku sheegay "in uu ka xun yahay" wuxuuna ballanqaaday in uu tallaabo ka qaadi dooni "App-abka aan daacadda ahayn".

Wuxuu intaas ku daray in uu "ku faraxsan yahay" in uu Congress-ka ka horsheego waxa uu og yahay "haddii arrintaasi ay tahay mid sax ah".
Warka qoraalka ah ee uu soo dhigay Facebook wuxuu ku ballan qaaday in uuu sii adkayn doono siyaabaha ay App-abku ay ku arruursan karaan xogta macaamiisha Facebook.

Masuuliyad ayaa naga saran in aan xogta macaamiisha ilaalino, haddii aanaan sidaa samayn karinna uma qalanno in aan adeeg idin siino," ayuu yiri Zuckerberg.

Related Articles

Iran: Dalalka Khaliijka Carabta ha eedeeyaan kuwa dagaalka billaabay

Wasiirka ayaa sheegay hadallo ay ka mid ahaayeen: "Haddii ay iyagu xaq u leeyihiin inay qaadaan tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah.

  • Caalamka

    10-03-2026

  • 08:07AM

Weerarkii lagu Qaaday Qunsuliyadda Imaaraadka ee dalka Iraq

Weerarkan oo dhacay aroornimadii hore ee Talaadada, 10-ka Maarso, 2026, ayaa sababay burbur soo gaaray dhismaha qunsuliyadda.

  • Caalamka

    10-03-2026

  • 07:52AM