​Shirkadda Samsung oo bilowday iibinta Note Seven

Image

Shirkadda Samsung ayaa bilowday inay dib u iibiso taleefonka Note Seven oo bil ka hor loo joojiyay cilad ah inuu ku qarxay dadkii iibsaday.

Samsung ayaa bilowday in suuqyada dalka Kuuriyada Koonfureed ku iibiso telefoonka.

Waxay sheegtay in ciladdu ahayd dhinaca Batariga, sidaas darteed iminka la hagaajiyay oo lagusoo badalay mid wanaagsan.

Ku dhawaad laba milyan iyo bar telefoonnada noocaas ah ayaa laga soo celiyay suuqyada caalamka.

Waxay dadaal u gashay inaysan cillad dambe kusoo noqon maadama arrintani saamayn ku yeelatay sumcadeeda iyo dhaqaalaha intaba.

Shirkadaha duulimaadyada ayaa ku wargeliyay rakaabkooda, in aanay gudaha diyaaradaha ku dhex daarin telefoonka Galaxy Note-Seven.

Waxaa jira telefoonno noocaasi ah oo weli ayagoo cilladeysan ay dadku wataan, sidaa awgeedna ma cadda goorta ay diyaaradaha qaadi doonaan xannibaada ay saareen Galaxy Note-Seven.

Dadka ku nool daafaha caalamka ayaa aad u danaynayay inay qaataan Note 7 balse cilladan ayaa kalsooni darro badan abuurtay, taasoo kaliftay in macaamiil badan u wareegaan shirkado kale.

GAROWEONLINE

Related Articles

Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran

Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 08:38PM

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM