Shirkii Dimuqraaddiga oo Philadelphia ka Furmey

Image

Xisbiga Dimuqraaddiga, ayaa shirkooda qaran oo afar maalin socon doona uga furmay magaalada bariga ku taalla ee Philadelphia, si ay u muujiyaan midnimo xisbiga dhexdiisa ah, kadib markii ay soo baxeen iimeylo la helay oo muujinaya in ay jirtey dibin daabyo loo geystay ololihii musharixii Hillary Clinton kula tartamayay xisbigaasi ee Bernie Sandres, iyadoo hoggaamiyayaasha xisbiga lagu eedeyay inay u xaglinayeen Clinton.

Stephanie Rawlings-Blake, duqa magaalada Baltimore, oo sidoo kale ah xog-hayaha guddiga qaran ee Dimuqraaddiga, ayaa shirka furey. Inta aanu billaaban shirka, ayaa Sanders, waxa uu taageerayaashiisa u sheegay inay ka dambeeyaan Clinton, isagoo midnimo ku baaqay si ay uga adkaadaan Donald Trump oo xisbiga Jamhuuriga dhawaantan ay ayideen in uu noqdo musharraxooda doorashada madaxtinnimada u matali doona bisha November ee sanadkan. 

Marwada koowaad ee Mareykanka Michelle Obama; senator Elezebeth Warren, iyo senator Bernie Sandres ayaa intoodaba ka ka mid ahaa dadkii ka hadlay furitaanka shir weynaha xisbiga Dimuqraaddiga, waxayna muujiyeen in Hillary ay tahay qofka ugu habboon ee Mareykanka hoggaamin kara. 

Waxay Trump ku eedeeyeen in uusan laheyn siyaasad sax ah oo muujineysa waxa waddanka lagu hoggaamin karo iyo sheegashooyinkiisa waxa uu qaban doono oo idil oo aanay daba joogin sida uu u qaban doono.

VOA

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM