Siduu u soo dhacay gantaalkii ka fara-baxsaday Shiinaha?

Image

BEJING, China - Shiinaha ayaa si rasmi ah wuxuu u xaqiijiyey in gantaalkii uu xakameyn waayey ee dhulka soo gaarey kuna soo dhacay Badweynta Hindiya gaar ahaan mee u dhaw waddanka/jasiiradda Maldives.

Warbaahinta afka dowladda China ku hadasho ayaa shaaca ka dhigtey in gantaalkan uu haraadiga burburkiisa laga heli karo Jihada Bari (72.47°) iyo Waqooyi (2.65°) ee Badweynta Hindiya.

Xaruumaha Mareykanka iyo Yurub ee lagu raad raaco dayax-gacmeedka ayaa dabagal xooggan ku hayey gantaalka Shiinaha ee hawada sare ka soo socday laguna magacaabo Long March 5b.

Saxaafadda Shiinaha oo faafisay warbixinta soo dhicitaanka ayaa intaas ku dartay in gantaalka uu hawada dhulka soo gaaray Axaddii saacadda dalkaasi Shiinaha markay ahayd 10:24.

Hay'adda Maamusho Hawada sare ee dalka Mareykanka bayaan ay soo saareen waxay ku sheegtay "in ay hubin u baahan tahay gantaalka Shiinaha ee Long March 5b inuu saameyn uu u geysanayo dhulka ama biyaha".

Gantaalka dib u soo laabashadiisa inta aan la xaqiijin waxaa cabsi laga qabay inuu ku soo dhaco aag ay dad ku nool yihiin. Balse, China wuxuu xusay in waxyeelada uu hadda geystay ay yar tahay.

Xoghayaha wasaaradda gaashaandhiga Mareykanka, Lloyd Austin, ayaa wuxuu Shiinaha ku eedeeyey iney arrintan ku timid dayacaad dhankiisa ah.

Hase yeeshee khubarada ku xeeldheer arrimaha hawada sare waxay tibaaxeen fursad uu gantaalkaasi ugu soo dhici karo gooba deegaan ah iney yar tahay, maadaamaa uu dhulka intiisa badan ay badaha daboolayaan dhulka soo harayna ay yihiin dhul saxara oo lama dagaan ah oo aan lagu nooleyn.

Gantaalkan oo ah sida gaar ah u qaadi kara xamuulka ayaa waxaa bishii la soo dhaafay loo diray saldhigga cusub ee Shiinaha uu ka sameystay Hawada Sare.

Iyaddoo culeyskiisu uu ahaa 22-tan ama Kg, gantaalkan ayaa ka mid noqonaya gantaallada ugu weynaa oo muddo tobaneeyo sana ah hawada sare loo diro isla markaana laga xakameyn waayo xarumihii laga diray.

GAROWE ONLINE + BBC

Related Articles

Markab Gargaar oo ku Wajahnaa Gaza oo Israa’iil Qabatay

Gaza ayaa noqotay xabaalo dusha ka furan, iyadoo adduunka intiisa kale laga jaray, iyadoo aan la gelin karin gargaarka bini'aadanimo.

  • Caalamka

    09-06-2025

  • 06:01AM

Trump: Aniga iyo Elon Musk Xiriirkeennii wuu dhammaaday, Cawaaqib xun ayuu la la kulmi doonaa

“Waxaan u maleynayaa inay sidaas tahay, haa,” ayuu yiri Trump markii la weydiiyay haddii uu u maleynayo in xiriirkooda uu dhammaaday.

  • Caalamka

    08-06-2025

  • 08:56AM