​Siria: Mucaaradka oo diiday xabad joojinta

Image

Mucaaradka dalka Siria gaar ahaa  jabhadaha dagaalka kawada dalkaas, ayaa ku gacan sayray hishiiska ay ku dhawaaqeen wadamada lugta kula jira xaaladda dalkaas, iyagoo sheegay inay dagaallamayaan inta hogaanka laga tuurayo madaxweyne Bashar al-Asad. 

Jabhadaha, ayaa tilmaamay in dalku xasilooni helayn ilaa inta uu jagada banaynayo hogaamiyaha waddankaasi. 

Dhanka kale waxay ku eedeeyeen dalka Ruushka duqaynta uu la beegsanayo goobaha ay ku suganyihiin mucaaradka waddankaas. 

Qaadacaada mucaaradka Siria, ayaa timi kadib markii wadamada kulanka uga socda Munich Jarmalka, ku dhawaaqeen todobaad xabad joojin ah, taasoo ay sheegeen in wax looga qabanayo xaaladda bini'adanimo ee kajirta goobaha qaybtood.

Madaxweyne Asad, ayaa dhinacahiisa ku gacan sayray tallaabadaasi, isagoo wacad ku maray in sanad qura gacanta ku dhigi doono waddanka oo idil. 

Go'aamadan kala duwan ayaa soo baxay xilli laga dayrinayo nolosha dadka ku dhaqan dalkaas gaar ahaan dumarka iyo dhallaanka, waxaana soo food saaray xaalad aad u adag kadib markii ay go'doomiyeen duqaymaha iyo dagaallada socda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM