Siria: ​Xabad joojin laga hirgalinayo

Image

Kulan ay isugu yimaadeen qaar kamid ah waddamada lugta kuleh siyaasadda dalka Siria, waxay sheegeen in dalkaasi laga hirgalinayo xasilooni iyo xabad joojin waarta oo ka dhaqan-gasha guud ahaan dalka, balse si arrintaasi u hirgasho waxay codsadeen in la siiyo Todobaad. 

Talaabadan, waxaa ku dhawaaqay xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kerry iyo dhiggiisa Ruushka Sergei Lavrov, iyagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in guul laga gaari karo xaaladda cakiran ee waddankaas. 

Balse Ruushka ayaa isagu sheegay inuu sii wadayo duqaymaha uu ku hayo goobo khaas ah oo ay ku sugan yihiin jabhadaha qaar. Muhiimadda laga leeyahay xabad joojinta, ayaa lagu sheegay cabsi ku aadan xaaladda dadka shacabka ah ee ku dhaqan Siria, gaar ahaan magaaladda Xalab. 

Madaxweynaha talada waddankaasi haya, Bashar al-Assad oo ka hadlay go'aanka ay qateen dalalka lugta kula jira siyaasadda Siria, ayaa sheegay inuusan diyaar u ahayn xabbad joojin mudada lagu jiro wada-hadalka nabadda. 

Wuxuu wacad ku marey in dalka oo dhan dib u wada qabsan doonaan muddo sanad gudaheed ah, laakiin wuxuu cabsi ka muujiyey in dalalka Turkiga iyo Sucuudigu inay qaadaan tallaabo millateri. 

Colaada dalka Siria, waxaa ku lug leh dhowr wadan oo siyaasad ahaan iska soo horjeeda, waxaana arrintaasi keentay inay laga soo dayriyo xaaladda dadka ku nool gobollada qaybtood, kuwaas oo ay soo food saartay xaalad bini'aadanimo. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Putin oo La Kulmay Hogaamiyeyaasha Falastiin, Zimbabwe iyo Burkina Faso

Heshiiska xabbad-joojinta ee Ukraine ayaa la doonayaa in uu joojiyo dagaalka ka soconaya bariga Ukraine tan iyo Febraayo 2022.

  • Caalamka

    11-05-2025

  • 10:28AM

Putin: Diyaar baan u ahay wadahadal toos ah oo shuruud la'aan ah inaan Ukraine la galo

Si kastaba, Putin ma uusan si toos ah uga jawaabin soo jeedinta xabbad-joojinta ee ugu dambeysay ee Sabtida.

  • Caalamka

    11-05-2025

  • 08:01AM