Sisi: Si buuxdo ayaan u qaadannay dimuqraadiyadda

Image

04 November, 2015(GO)-Madaxweynaha dalka Masar, Cabdulfataax al-Sisi ayaa sheegay in dalkiisa uu qabsaday wadada dimuqraadiyadda, hasayeeshee ay waqti qaadan doonto in la helo xorriyad siyaasadeed oo badan.

Wareysi uu siiyay BBC-da ka hor booqasho uu ku tagayo UK, ayuu Madaxweyne Sisi ku sheegay in aanay cadaalad aheyn in heerka dimuqraadiyadda iyo xuquuqul insaanka dalkiisa la barbardhigo kuwa wadammada Yurub, iyadoo dadka caadiga ah ee Masar ay ka cabsanayaan islaamiyiinta xagjirka ah iyo deganaanshiyo la'aanta lagu arko goobaha kale ee gobolka.

Madaxweyne Sisi ayaa sheegay in uu suuragaliyay doorashooyin xor iyo cadaalad ah, oo waxa uu intaa raaciyay in wax aanay dadka reer Masar rabin mardambe lagu maamuli doonin.

Markii uu Sisi ahaa abaanduulaha ciidammada qalabka sida ee Masar 2013-kii, waxa uu xilka ka tuuray madaxweynihii ugu horreeyay ee si dimuqraadi ah loo doorto ee Maxamed Mursi, kaasi oo ka tirsanaa xisbiga Ikhwaanul Muslimiinka.

Xigasho:BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM