Siyaasi caan ahaa kana tirsanaa mucaaradka Russia oo Moscow lagu diley

Image

February 28, 2015 (GO)- Siyaasi caan ahaa kana tirsanaa mucaaradka dalka Russia ayaa lagu diley bartamaha magaalada Moscow.

Dabley hubeysan oo gaari watey kuwaasoo aan ilaa iyo hadda haybtooda la aqoonsan ayaa lagu soo warramayaa inay toogteen mas'uulkaas oo lagu magacaabi jirey Boris Nemtsov.

Nemtsov ayaa si aad ah u dhaliili jirey siyaasadda Madaxweyne Vladimir Putin wuxuuna maalinta Axadda ka qayb geli lahaa dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo dowladda kaasoo la qorsheynayey inuu ka dhaco magaalada Moscow.

Af-hayeen u hadashay Wasaaradda Arimaha Gudaha Russia oo lagu magacaabo Yelena Alekseyeva ayaa sheegtay in la baarayo sababta dilka iyo weliba cidda ka dambeysey.

Waxay sidoo kale sheegtay in sirdoonku su'aalo weydiinayaan haweeney u dhalatay dalka Ukraine oo xilligii Boris Nemtsov la dilayey la socotey.

Mr Nemtsov ayaa horay xilal kala duwan usoo qabtey waxaana kamid ah ra'isal wasaare ku-xigeen, xildhibaan barlamanka ka tirsan iyo guddoomiyaha gobolka Nizhny Novgorod.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM