Siyaasiyiin can ah lagu dal-dalay Bangladesh

Image

22 November, 2015(GO)-Dowladda dalka Bangladesh, ayaa dil ku fulisay labo ka mid ah hogaamiyaasha mucaaradka dalkaasi oo loo haystay inay dembiyo dagaal galeen xilligii uu socday dagaalkii uu dalkaasi madax bannaanida kaga qaadanayay Pakistan 1971.

Ragga la dilay ayaa lagu kala magacaabaa Salahuddin Quader Chowdhury, oo  ahaa siyaasi caan ah oo lix jeer loo doortay baarlamaanka dalkaasi iyo Cali Axsan Maxamed Mujahid, oo xubin sare ka ahaa xisbiga Islaamiga ah ee Bangladesh ugu weyn, Jamaacatul Islami.

Dal-dalaada xubnahaasi ka dib dowladda ayaa adkaysay ammaanka dalkeeda, iyadoo ka cabsi qabtay inay ka dhalato caro iyo rabshado ay sameeyaan dadweynaha Bangladesh.

Arrintan oo dadka qaybtood ku tilmaameen mid laga lahaa dano siyaasadeed ayaa Ra’iisul wasaaraha Bangladesh, Sheekh Hasina, ku tilmaamay inaysan waxba ka jirin arrinkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM