Siyaasiyiin can ah lagu dal-dalay Bangladesh

Image

22 November, 2015(GO)-Dowladda dalka Bangladesh, ayaa dil ku fulisay labo ka mid ah hogaamiyaasha mucaaradka dalkaasi oo loo haystay inay dembiyo dagaal galeen xilligii uu socday dagaalkii uu dalkaasi madax bannaanida kaga qaadanayay Pakistan 1971.

Ragga la dilay ayaa lagu kala magacaabaa Salahuddin Quader Chowdhury, oo  ahaa siyaasi caan ah oo lix jeer loo doortay baarlamaanka dalkaasi iyo Cali Axsan Maxamed Mujahid, oo xubin sare ka ahaa xisbiga Islaamiga ah ee Bangladesh ugu weyn, Jamaacatul Islami.

Dal-dalaada xubnahaasi ka dib dowladda ayaa adkaysay ammaanka dalkeeda, iyadoo ka cabsi qabtay inay ka dhalato caro iyo rabshado ay sameeyaan dadweynaha Bangladesh.

Arrintan oo dadka qaybtood ku tilmaameen mid laga lahaa dano siyaasadeed ayaa Ra’iisul wasaaraha Bangladesh, Sheekh Hasina, ku tilmaamay inaysan waxba ka jirin arrinkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo Lagu Eedeeyay Inuu Khiyaamay Iran oo uu Gacan Siiyay Israel 

Arrintan ayaa imaneysa xilli caalamka Muslimka uu wajaho kala qaybsanaan ballaaran, iyadoo cadaadis xooggan laga dareemayo Bariga Dhexe.

  • Caalamka

    21-06-2025

  • 06:14AM

Trump oo Khalad ku tilmaamay Xogta Agaasimaha Sirdoonka ka heshay Nukliyeerka Iran

Waa markii labaad toddobaadkan uu madaxweynuhu si cad u diido qiimeynta madaxa sirdoonka ee isagu uu magacaabay.

  • Caalamka

    20-06-2025

  • 09:27PM