Somali lagu xakumey dalka Mareykanka

Image

NEW YORk_ Maxkamad ku taalla magaalada New York dalka Mareykanka ayaa xukun ciqaabtiisu gaarsiisantahay sagaal sano ku riday wiil Somali ah oo lagu magacaabo Mahdi Xaashi da'a ahaanna jira 26 sano, kaasoo qirtay inuu taageero siiyay Al-Shabaabta Somalia.

Xukunkan kan lamida ayaa toddobaakdii hore lagu riday laba nin oo heysta dhalashada Sweden oo Mahdi lala soo dacweeyey kuwaas oo lagu kala magacaabo Cali Yaasiin Axmed iyo Maxamed Yuusuf waxaana dusha looga tuuray 11 sano oo xabsi ah.

Xeer ilaaliyaasha gacanta ku hayay dacwadda raggan ayaa sheegaya intii u dhexeysay Decemberr 2008 ilaa August 2012 in shakhsiyaadkan ka tageen Britain iyo Sweden, una safreen Somalia iyagoo ku biiray kooxda Shabaab ee ka dagaallanta Somalia.

Waxay sidoo kale xeer ilaalintu cadaysay inaysan hayn cadaymo ku aaddan in raga la xukumay qaybtood usoo dagaalameen ururkaas.

Bishii August 2012, ayaa saddexda nin ee la xukumay lagu xiray dalka Jabuuti iyagoo xilligaas u socda dalka Yemen oo ay qorshaynayeen inay ku biiraan Al-Qaacidda sida ay dacwoogayaasha sheegeen.

Qareenada u doodayay xukumanayaasha ayaa tilmaamay in lagu jirdilay Jabuuti kahor intaan loo gacan galin dalka Maraykanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM