Somali qirtay dambi la xiriira Daacish

Image

10 September, 2015(GO)- Hanad Mustafe Muse oo 19 jir Somali ah, waxa uu qirtay dambi la xiriira kooxda Daacish, sida uu sheegay xeer-Ilaaliyaha Mareykanka ee gobolka Minnesota Andrew M. Luger iyo kaaliyihiisa General John P. Carlin.

Hanad ayaa dambiga uu qirtay lagu soo oogay 19-kii bishii May ee sannadkan.

Xeer Ilaaliyeyaashu waxay sheegeen in Hanad iyo 8-qof oo kale maalgaliyeen ISIS una safraan dalka Syria, si kaalmo qalab u siiyaan kooxda Daacish oo Mareykanku u aqoonsaday argagixiso.

Hanad waxa uu dambigan ka hor qirtay xaakimka degmada Minneapolis ee gobolka Minnesota Michael Davis.

"Xaqiiqooyinkii bannaanka usoo baxey, dambi qirashada Hanad waxa ay hoosta ka xariiqeysaa xadka iyo dhererka shirqoolkan dambi"Ayuu yiri xeer-ilaaliye Luger.

Dalka Mareykanka horey waxaa uga tagay dhalinyaro Somaliyeed oo ku biirey ururka Daacish ee ka dagaalama Suuriya iyo Ciraaq.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM