Somalia: Qaar ka tirsan ergada Jowhar oo caasimad u codeeyey

Image

JOWHAR, Somalia- Qaar ka tirsan ergada shirka maamul u sameynta gobolada Hiraan iyo Shabeelaha dhexe oo maalmihii ugu dambeeyey  dood ka lahaa Dastuur KMG ah ayaa u codeeyey in magaalada Jowhar noqoto xarunta labadaas gobol.

Ergo gaareysa 200 oo cod gacan taag ah u qaadey qodobkaan ayaa isku raacdey in Jowhar tahay magaalo madaxda labadaan maamul.

Qodobka 4aad cutibkiisa Kowaad ayaa ergada an awood u siinayey Iney cod qaadaan taasoo wajagabax ku noqotey saraakishii wasarada arimaha gudaha Federaalka ee ku sugneyd goobta codbixinta  ka dhaceyso.

Madax dhaqameedka labada gobol oo ku kala qaybsan maamul u smaeynta labada gobol ayaa sidoo kale codbixntaan waxay ka hor imaaneysaa wareegto Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey magaalo madax KMG ah ugu magacaabey magaalada Buulobarde oo ka tirsan gobolka Hiraan.

Dhinaca kale codbixntaan ayaa imaaneysa xilli ay walaac ka muujiyeen guddiga doorashooyinka dadban ee Somalia halka lagu soo xulayo ergada dooraneysa xildhibanada labadaas gobol kuwasoo sheegey in madaxda dowlada waqtigeedu dhamaadey iyo mamaulada ku guuldareysteen in arinka as go'aan ka gaaraan.

Madaxwynahii hore ee dowlada Federaalka Xasan Shiikh iyo xulafadiisa siyaasada ayaa dabada ka riixaya dhismaha maamulkaan xilli odayaasha iyo siyaasiyiinta labada gobol diidan yihiin.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM