Somaliland: Muranka xisbiga Kulmiye ee kordhey, Wasiiro is-casiley

Image

26 October, 2015 (GO)-Wararka aan ka helayno magalada Hargaysa ee maamulka Somaliland ayaa sheegay inay is-casileen wasiiro ka tirsan golaha xukuumadda, waxaan sababay khilaaf soo kala dhex galay wasiiraddaasi iyo Madaxweyne Siilaanyo.

Kulankaan oo ka dhacey madaxtooyada Somaliland ayaa madaxweynaha Somaliland Axmad Maxamad Maxamuud Silaanyo u sheegey musharaxiinta kale ee xisbiga islamarkana ah xubnaha ugu tunka weyn golaha wasiirada in Muuse Biixi Cabdi yahay musharaxa xisbiga Kulmiye.

Muuse Biixi Cabdi oo ah gudoomiyaha xisbiga Kulmiye iyo madaxweynaha dowlada Somaliland ayaa waxaa jirey balamo siyaasadeed oo horey uga dhexeeyey.

Go'aanka madaxweynaha Somaliland ayaa ka careysiiyey musharaxiinta kale ee xisbiga iyo tageerayaashoda taasoo sababtey in maanta is-casilaan 9 xubnood oo isugu jira wasiiro, ku -xigeeno.

Xubnaha Wsaiirada, ku xigeenada iscasiley kuwasoo ka caroodey go'aanka madaxweyne Silaanyo ayaa kala ah:

Wasiirka arrimaha dibada Maxamad Biixi Yoonis
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xasan 
Wasiirka Waxbarashada Somaliland Farax Cilmi Geedoole
Wasiirka Howlaha Guud Cabdirizaq Khaliif Axmad
Wasiirka Cadaalada Somaliland Xuseen Axmad Caydiid
Wasiirka Beeraha Somaliland Maxamad Aw-Daahir
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Cabdi Aw-Daahir
Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Cabdiwaaxid Cabdulqaadir
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmad Saleebaan Dhuxul

Kala soco warsidaha Garowe online wararka kasoo kordha iyadoo kulan xubnahaan iyo tageerayaashooda uga socda Hotel Mansoor.

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM