Somaliland: Sarkaal la dilay iyo mid la dhaawacay

Image

11 August,2015(VOA)- Laba sarkaal oo ka tirsan ciidamada Milatariga Somaliland, ayaa midna lagu dilay, halka mid kalena si xun loogu dhaawacay weerar maanta ka dhacay magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan, ayaa idaacadda VOA-da u xaqiijiyey in askari xidigle ahaa uu weerarka ku dilay xidigle Faarax Caraale, islamarkaana uu ku dhaawacay gaashaanle sare Xasan Cagle Cali, oo ahaa taliyaha aaga galbeed ee ciidamada Milatariga Somaliland.

Sida uu xaqiijiyey guddoomiye Maxamuud, xaaladda gaashaanla sare Xasan, ayaa ah mid aad u liidata, ayada oo dhaawaca uu qabo u yahay mid halis ah.

Ilaa iyo hadda lama garanayo sababta askarigan ku qasabaty falkii dhimashada lahaa ee uu maanta ka geystay magaalada Booraama.

Falalka noocan ah, ayaa dhowaanahan kusoo badanayey deegaannada Somaliland, waxaana ugu dambeysay bishii June ee sanadkan oo sidan oo kale askari ka tirsan ciidanka Somaliland uu halkaas ku dilay gaashaanle ka tirsanaa ciidanka.

Xigasho:VOA

Related Articles

Hogaamiyaasha Yurub oo indhaha ku hayo Kulanka Trump iyo Putin ee ka dhacaya Alaska

Madaxweyne Putin ayaa weli ku dheggan dalabkiisii ahaa in Ukraine noqoto dal aan dhex dhexaad ahayn.

  • Caalamka

    13-08-2025

  • 12:54PM

Putin oo Kim Jong Un kala tashaday kulanka Trump ee ku saabsan dagaalka Ukriane 

Waa mar kale oo xiriir toos ah uu dhex maro labada hoggaamiye ee Ruushka iyo Waqooyiga Kuuriya.

  • Caalamka

    12-08-2025

  • 06:16PM