Somaliland: Xukun lagu ridey nin faafinayey mad-habta Shiicada

Image

HARGEYSA- Maxkamadda degmada Hargeysa ayaa xukun ku ridday ganacsade u dhashay dalka Pakistan oo ku eedaysan inuu mad-habta Shiicada ku faafinayey Somaliland dhexdeeda.

Fadhi maxkamaddu saaka yeelatay oo ay goob-joog ka ahaayeen saraakiil wasaaradda diinta ka tirsan iyo culimaa’udiin kale, ayuu guddoomiyaha maxkamadda degmada Hargeysa Md. Cabdirashiid Maxamuud Beergeel kaga dhawaaqay in ganacsadaha u dhashay dalka Pakistan oo lagu magacaabo Maxamed Raasin Xuseen, da’diisuna tahay 63-sano jir lagu riday  hal sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan 3000,000 Sl Shilling, iyadoo isla-xukunkaas mid la mid ahna lagu riday eedaysane kale oo ay isku dal kasoo jeedaan oo isagu maqane ah.

Waxa la faray madaxa laanta socdaalka iyo wasaaradda arrimaha gudaha in haddii dembiilahani uu xariga lagu riday iibsado in la masaafuriyo iyadoo muddo laba bilood ah fursad loo siiyo inuu hantidiisa kala baxo Somaliland.

Saraakiil ka socotay xeer ilaalinta oo madasha ku sugnaa ayaa sheegtey inaysan ku qanacsanayn xukunka la soo saaray, isla-markaana ay rafcaan u qaadan doonaan maxkamadda derejadeeda labaad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo raalli-gelin ka bixisay khariidad khaldan oo Afrika ah

Khariidadda ayaa lagu soo bandhigay shirkii AIDS 2026, waxaana lagu muujiyay lix waddan…

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:27AM

Sacuudiga oo Wada Qorshe Lagu Dhisayo Isbahaysi Caalami ah oo Lagu Ilaalinayo Maraakiibta Badda Cas

Tan iyo markaas, Xuutiyiintu waxay sheegeen inay weerarro ku qaadeen maraakiib Sacuudi ah oo marayay Badda Cas.

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:35AM