Soomaali 146-sano oo xabsi ah loogu xukumay "muqalasnimo"

Image

ANKARA, Turkey - Maxkamad ku taala magaalada Lasbos ee dalka Gariiga ayaa shaqsi Soomaali ah waxay 146-sano oo xabsi ah ugu xukuntay eedeymo muqalasnimo, sidda lagu qoray bogga InfoMigrants.

Sida ku xusan warbixinta, xukunsanaha oo magaciisa lagu soo koobay Maxamed ayaa Khamiista todobaadkii hore wuxuu kasoo muuqdey maxkamadda isagoo ay wehliyeen eedeysaneyaal kale.

Golaha Midowga Yurub ee Qaxootiga iyo Tarxiilka oo shaaca ka dhigay xukunka lagu riday Maxamed ayaa sheegay in uu ahaa magan-galyo doon isla markaana muhaajiriin kale ay beeniyeen eedaha loo jeediyey.

"Qaxootiga waxay sheegeen in Maxamed uu yahay qofka badbaadiyey markii ay qalibantay doontii saarnaayeen," ayaa lagu yir warbixinta todobaadlaha ee Khamiista asbuucii hore uu daabacay golaha.

Hase ahaatee, dacwad-oogeyaasha Gariiga ayaa ku adkeystay in Maxamed uu mas'uul ka ahaa tahriibeyaal kasoo baxay Turkiga kuwaasoo soo galay Gariiga. Xeer-ilaalinta ma aysan soo bandhigin caddeymo.

Maxamed oo ah aabaha afar caruur ah ayaa Turkiga tagay markii uu ka qaxay Soomaaliya. Sida goluhu shaaicyey, wuxuu saarnaa doon December, 2020 ka baxday Turkiga isla markaana gashay dalka Greece.

Doontii ay saarnaayeen ayaa ku gudoontay Lasbos, waxaana dhintay laba kamid ah dadii saarnaa. Ciidanka Gariiga ayaana qaabilay dadka uu ku jiray Maxamed oo waqtigaas hagayey isteerinka doonta.

Sababtaas awadeed, sida goluhu daaha ka qaadey, mas'uuliyiinta Gariiga waxay sheegeen in Maxamed uu "si sharci darro ah dad kusoo geliyey Greece" taasoo la macno ah in uu ku howlanaa "muqalasnimo".

Soomaalida ayaa sanadihii lasoo dhaafay waxay si weyn ugu tahribayeen biyaha u dhaxeeya Turkiga iyo Gariiga oo ay u arkaan marin ay uga sii gudbi karaan qeybaha kale ee Yurub si ay u helaan nolol wanaagsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

  • Caalamka

    19-04-2024

  • 03:36AM

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM