Soomaali ka carartay Mareykanka oo magangelyo weydiistay Canada

Image

WASHINGTON - Dalka Canada waxaa sanadihi la soo dhaafay galay muhaajiriin badan oo ka qaxay dalka Maraykanka, ka dib marki maamulka madaxweyne Donald Trump uu adkeeyay sharciyadda dadka soogalootiga ah.

Dadkan oo Soomaaliya ay ku jiraan ayaa ka cararaya go'aankii Trump uu ku ballanqaaday in la masaafurinayo dadka sida sharci-darrada ah ku jooga Maraykanka, taasoo keentay in cabsi iyo hubanti la'aan soo wajahdo qaxootiga.

Soomaali badan oo qarkooda dhawaan galay Mareykanka, islamarkaana waayay sharciga markii Trump xukunka la wareegay sanadkii tagey, ayaa hadda u qaxaya Canada, iyagoo magangelyo weydiistay dowladda dalkaasi.

Madaxweyne Trump ayaa Soomaaliya ku daray liiska 7 dal oo Muslim ah, kuwaasii qaxootigooda uu u diiday inay galaan Mareykanka, waxaana arinkan ay kala kulmeen qaxootiga ka tagey Soomaaliya dhibaatooyin badan.

Waxaa jiray dad badan oo Soomaali ah oo laga soo masaafuriyay Mareykanka, oo Muqdisho laga soo dejiyay sanadkan, waxaana go'aanka Trump saameyn xooggan ku yeeshay mustaqbalka qaxooti badan oo nolol u raadsaday Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM