Soomaali kamid ah 15 qof oo loo qabtey "fal sharci darro ah"

Image

BUCHAREST, Romania - Ciidanka ilaalada xuduudaha Romania ayaa waxay xabsi u taxaabeen 15 muhaajiriin oo ay Soomaali kamid yihiin, sida ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah ee wadankaas.

Dalalka kale ee tahriibeyaashan da'doodu u dhaxeyso 16 illaa 52 sano jir isla markaana laba kamid ay yihiin caruur da'dooda u dhaxeyso  saddex iyo afar sano jir ayaa kala ah Suuriya iyo Ciraaq.

War-saxaafadeedka kasoo baxay taliska booliska ilaalada xuduudaha Romania ayaa lagu caddeeyay in shaqsiyaadkan ay wajahayaan su'aallo waydiin ku saabsan qaabka ay kusoo socdaaleen iyo hadafkooda.

Sida ku xusan bayaanka, qaxootigan oo lagu qabtey magaalada Turnu Severin ee Mehedinți ayaa gacanta lagu dhigay ka gedaal markii ay doon kaga soo gudbeen Webiga Danube.

Warbaahinta ayaa intaas ku dartay in qaxootiga ay ka yimaadeen Serbia. Ma cadda haddii bartilmaameedooda uu ahaa Romania iyo in ay ku fekerayeen in ay uga sii gudbaan wadamo kale 

"Ciidamadda ilaalada xuduudaha waxay qaadi doonan baaritaano dheeraad ah iyaga oo kadib qaadi doona talaabooyinka daruuriga ah ee ku haboon," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah.

Qulqulka qaxootiga ee Yurub ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay si weyn hoos ugu dhacay sababo ku aadan safmarka Covid-19, hase ahaatee, waxay u muuqaneysaa mid dib u bilaabaya bilooyinkii dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM