Soomaali toorey "ku weeraray" shaqsi Itoobiyaan ah oo xabsi loo taxaabay

Image

VALLETTA, Malta – Ciidamadda booliska Jaziirada Malta ayaa xabsi u taxaabay 31-jir Soomaali ah ka gedaal markii ay dirireen 36-jir Itoobiyaan ah, sidda ay ku warantay shabakadda maxaliga ah ee Malta Today.

Sidda ku xusan warbixinta oo lagu soo xigtay bileyska, dagaalka ayaa fiidnimadii Talaadada todobaadkan ka dhacay magaaladda Msida, waxaana booliska u yeeray shaqsiga kasoo jeeda waddanka Ethiopia.

Itoobiyaanka, sidda ku cad qoromada, wuxuu u sheegay booliska in ruuxa Soomaaliga ah uu kusoo weeraray Toorey kuna soo taagay hub kadib markii ay ku murmeen banaanka bakhaar khamri.

"Saraakiisha ayaa deg-deg ku dhex-gelay. Ciidamadda la dagaalanka fal-dambiyeedyadda ayaana tegay meesha. Waxay xaqiijiyeen warbixinta iyagoo soo xiray ninka la sheegay in uu weerarka geystay," ayaa lagu yiri warbixin kooban dhacdadan uu kasoo yeeray taliska bileyska.

Itoobiyaanka uu dhaawaca kasoo geeray weerarkan ayaa la sheegay in la dhigay Isbitaal si loogu daaweeyo, iyaddoo lagu daray liiska shaqsiyaadka ku dhaawacmay fal-dambiyeedyada Tooreyda.

"Garsoore Charmaine Galea ayaa waxaa loo magacaabay in uu baaro kiiska. Baarin kale oo Booliska bilaabayna wuu socdaa," ayuu bogga warbixintan daaha ka rogay intaas raaciyey.

Jaziirada Malta oo dhacda Yurub ayaa kamid ah wadamadda ay aadka ugu badan yihiin Soomaalida oo ku badankooda ku jooga qaxooti ahaan isla markaana qaarkood qorsheynayaan in ay dalal kale uga sii gudbaa halkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taangiyadda Yahuuda oo lagu arkay magaalo ku dhow xuduudka Masar

Tallaabadan ayaa timid saacado ka dib markii Xamaas ay ku dhawaaqday inay aqbashay hindise xabbad-joojin ah.

  • Caalamka

    07-05-2024

  • 03:46AM

Khasaaro ka dhashay duqeyn ay Yahuuda ka geysatay Bariga Lubnaan

Yahuuda ayaa horey weerartey koonfurta Lubnaan kaasoo ay ku dishay afar xubnood oo hal qoys ah.

  • Caalamka

    06-05-2024

  • 04:17AM