Soomaaliya oo Heshiis saameyn ku leh doorashada 2020 la gashay Pakistan

Image

ISLAMABAD - Dowladda Pakistan ayaa Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan $10.5 million [Toban Milyan iyo Shan Boqol oo Kun oo Dollar], taasi oo ugu tala gashay in dowladda Federaalka ka uga caawiso sameyn kaararka aqoonsiga.

Hay’adda Macluumaadka Qaranka iyo Diiwaan-gelinta Pakistan, ee loo yaqaan NADRA, ay siin doonta Soomaaliya, Tik-noolojiyad iyo Qalab ka caawinaya diiwaan gelinta muwaadiniinteeda kahor doorashada 2020.

Xafladda saxiixa, Soomaaliya waxaa uga qeyb-galay Wasiiru Dowladaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Faraax Wehliye, iyadoo uu goobjoog ahaa Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shahid Khaqan Abbasi.

Dhanka Pakistan, waxaa Munaasabada joogay Wasiirka Maaliyadda Miftah Ismail, Kaaliyaha Gaarka ah ee Ra'iisul Wasaaraha Musadiq Malik, xoghaynta xisaabaadka maaliyadda iyo arrimaha gudaha, guddoomiyaha hay’adda Nadra iyo saraakiil sare.

Dhanka Soomaaliya waxaa sidoo kale ku metalaysay Safiirka Soomaaliya ee Pakistan, Marwo Khadija Mohamed Almakhzoumi, Madaxa Mashruuca Aqoonsiga Nur Derie Hersi iyo xubno oo sar-sarre oo dowladda Federaalka ka tirsan.

Cabdullaahi Faraax Wehliye oo goobta hadal kooban ka jeediyay wuxuu uga mahad-celiyay dowlada Pakistan taageerada ay siiso Shacabka Soomaaliyeed, iyo sida ay mar walba ugarab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed

Wuxuu tilmaamay si loo xoojiyo xiriirka labadda dowladood in Pakistan ay Safaraad ka furato Magaalada Muqdisho, taasoo uu tilmaamay inay kasii qeyb qaadanayso sare usii qaadida xiriirka labada geesoodka ah ee labada dhinac.

Wasiirka Maaliyadda Pakistan, Miftah Ismail oo si diiran usoo dhaweeyay hadalka Wasiiru dowladaha wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladiisa uu qiimo wayn ugu fadhiyo xiriirka ay la leedahay Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Tani ayaa waxay ka caawin doontaa dowlada Soomaaliya maareynta Xuduudaha iyo maareynta nidaamka doorashooyinka lagu wado inay ka dhacaan Soomaaliya sanadka 2020, taasoo la qorsheynayo inay noqoto mid qof iyo cod ah.

Soomaaliya iyo Pakistan ayaa ka dhaxeeya xiriir saaxiibtinimo iyo mid walaal-tinimo, iyadoo heshiiskaan oo ah mid dhaxal gal ah uu sare usii qaadayo xiriirka, waxaana mashuurcaan uu qeyb ka yahay siyaasada xoojinta awooda Pakistan ee Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lavrov: Mareykanka wuxuu u weeraray Iran iyo Venezuela si uu u xukumo tamarta adduunka

Wasiirka ayaa intaas ku daray in tallaabooyinka Mareykanka ee dalalka Iiraan iyo Venezuela ay si cad ugu xiran yihiin danaha tamarta.

  • Caalamka

    27-04-2026

  • 08:10AM

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo ka tagey Pakistan isaga oo aan la kulmin ergadii Mareykanka

“Wax walba annaga ayaa gacanta ku hayna. Way na soo wici karaan mar kasta oo ay doonaan,” ayuu raaciyay.

  • Caalamka

    25-04-2026

  • 05:35PM