Sucuudiga oo qabtay Gantaal ku socday Riyaad

Image

RIYAAD, Saudi- Gantaal ka samaysan Caag oo lagu tuuray magaalada Riyaad ee xarunta dalka Sucuudiga ayaa la qabtay sida laga baahiyay Telefishinta dowladaas.

Isbeheysiga uu Sacuudiga hoggaaminayo ee dagaalka kula jiro Xuutiyiinta Yaman ayaa sheegay in ay qabteen gantaalkan inkastoo aysan faah faahin dheeraad ah ka bixin xilliga la ganay iyo meesha laga soo tuuray.

Goobjoogayaal ku sugan caasimadda Sacuudiga ayaa sheegay in ay maqleen qarax, waxaana jira muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada kuwaasoo muujinaya Qiiq cirka isku shareeray.

Mucaaradka Xuutiyiinta ayaa TV-gooda Al-Masirah ka sheegay in gantaalka loo garanayo Burkan-2 ay u rideen dhanka qasriga Yemen.

"Sucuudiga isaga ayaa dagaalka bilaabay, Jawaab celintooda waa sii soconayaa waana kordhayaa, ha ahaadaan kuwo lala eegtay gudaha Sucuudiga, ama ha la beegsado meelaha ay ka dulaan diyaaradahooda, ama aan bartilmaameedsano saldhigyadooda gudaha Yimid," sidaas waxaa yiri Mohammed Abdul Salam oo ah Afhayeen u hadlay Sucuudiga, kaasoo waraysi bishii hore siinayay telefishinka Al Jazera.

Tan iyo markii Xuutiyiinta Yemen ay dileen hogaamiyihii hore ee dalkaas Cali Cabdalla Saalax, waxay kor u qaadeen weerarada ka dhanka ah xulafada kasoo hor jeeda.

Bishii hore Gantaal ayay xulafadan ku rideen Garoonka Diyaaradaha magaalada Riyaad, taasoo kor u qaaday cabsida laga qabo kooxdan maamusha qaybo kamid ah dalka Yemen ee taageerada ka hesha Iran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM