Sudan: Al-Bashiir oo ka hadlay waqtiga uu xilka ka dagayo

Image

KHARTUUM-Cumar Xasan Al-Bashiir-ka Suudaan ayaa ka hadlay waqtiga uu banaynayo jagada madaxtinimo waddankaasi xilli ay aad u raadinayso maxkamadda Caamaliga ah ee dambiyada.

Wuxuu sheegay isagoo waraysi khaas ah siiyay BBCda inuu xilka isaga tagayo marka la gaarayo 2020 isagoo meesha ka saaray inay jiraan eedaha loo haysto, wuxuuna ka hadlay nabad ilaaliyasha Qaramada Midoobay ee dalkaasi ku sugan oo xusay inaysan jirin sabab u sii joogaan ciidamadan iyo kooxaha gar-gaarka shisheeye.

Cumar ayaa tilmaamay in waddanka Suudaan uu yahay waddan madax banaan islamarkaana wixii amnigooda khuseeya ku jirto gacanta shacabka dalkaasi.

Al-Bashiir ayaa lagu eedeeyay inuu tacaddi weyn ka gaystay waddankaasi isagoo lagu soo oogay dhibaatadii ka dhacday gobolka Darfuur oo in ka badan 2.5 milyan ku barakaceen tiro badanna ku dhinteen.

Waxaa sidoo uu ku eedaysanyahay waxyeelladii dhacay laga soo bilaabo 2003 kuwaasi oo isugu jira; dulal, barakicin iyo kufsi ciidamada waddankaasi ku kaceen.

Sannadkan oo kaliya in ka badan 100 kun oo ruux ayaa ku barakacay dhibaatada ka jirta waddanka Suudaan.

Dhawr jeer oo looga yeeray The Heuge  wuu ka dhaga adaygay, wuxuuna sheegay inaysan ahayn maxkamad caadil ah oo caalamka dhan u dhaxaysa balse lagu xukmiyo dadka Madowga ah oo kaliya.

Wareysi gaar ah oo uu BBCda siiyay, ayuu Mr Bashiir ku diiday eedaha ah in ciidammada Suudaan ay tacaddiyo ku gaysteen colaadda sanadkan ka soo cusboonaatay Daanfuur.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM

Trump oo diiday inuu ka qeybgalo shir-madaxeedkii G20 ee Koonfur Afrika

Shir-madaxeedka G20 ayaa la filayaa in uu yeesho miisaan weyn, iyadoo laga hadlayo arrimaha dhaqaalaha adduunka.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 06:36AM