​Suuqa Islii oo furmay iyo cabasho taagan

Image

NAIROBI, Kenya- Waxaa shalay lagu guulaystay in dib loo furo suuqa weyn ee ku yaalla xaafadda Islii ee magaalada Nairobi dalka Kenya halkaasoo ay ku ganacsan jireen dad u badan Somalia, kuwaasoo muddo ka cabanayay dad ku hor ganacsada goobahooda.

Arrintaasi ayaa keentay in dhowr maalin xirnaado suuqu, balse waxaa faraha howsha lasoo gashay dowladda oo xaafadda Islii soo dhoobtay booliis badan kuwaasoo kala eryay waratadii dukaamada ku hor ganacsan jiray.

Dukaanlaydii cabanaysay ayaa shaqadoodii dib u billabay, laakiin xaaladda ayaa misna kacsan oo waxaa hadda cabasho keenay waratadii laga eryay dukaamada hortooda.

Waxay ku andacoonayaan inaysan haysan goob kale oo ay waxy ku iibsadaan maadama sida ay hadalka u dhigeen suuqoodii hore iibsadeen dad tujaar ah.

Waratada ayaa sheegay in dowladdu ka bur-burisay meelihii ay kala soo bixi jireen quutul yowmkooda, isagoo xusay inaysan taasi cadaalad ahayn.

Dadka cabanaya ayaa muddooyinkii dambe kusoo badanayay suuqa xaafadda Islii, waxayna hor fariisan jireen islamarkaana alaabo kala duwan ku hor gadan jireen dukaamada waaweyn ee xaafadda.

Isliin ayaa kamid ah meelaha ugu mashquulka badan magaalada Nairobi xarunta dalka Kenya, waxaana ku nool Somalia badan kuwaasoo kuleh ganacsiyo kala duwan.

GAROWEONLINE

Related Articles

“Aad ayaan uga niyad jabay,” ayuu yiri Trump kadib wada hadal telefoon oo uu la yeeshay Putin

Zelensky ayaa mar kale ku baaqay in la kordhiyo taageerada milatari ee ay siiyaan la-hawlgalayaasha Ukraine.

  • Caalamka

    04-07-2025

  • 11:18AM

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran: Waa ka fekeraynaa Wadahadallada Mareykanka

Araghchi ayaa sheegay in Iran aysan diyaar u ahayn inay si dhakhso ah u bilowdo wadahadallo cusub sida uu Trump.

  • Caalamka

    02-07-2025

  • 12:56PM