​Suuqa Islii oo furmay iyo cabasho taagan

Image

NAIROBI, Kenya- Waxaa shalay lagu guulaystay in dib loo furo suuqa weyn ee ku yaalla xaafadda Islii ee magaalada Nairobi dalka Kenya halkaasoo ay ku ganacsan jireen dad u badan Somalia, kuwaasoo muddo ka cabanayay dad ku hor ganacsada goobahooda.

Arrintaasi ayaa keentay in dhowr maalin xirnaado suuqu, balse waxaa faraha howsha lasoo gashay dowladda oo xaafadda Islii soo dhoobtay booliis badan kuwaasoo kala eryay waratadii dukaamada ku hor ganacsan jiray.

Dukaanlaydii cabanaysay ayaa shaqadoodii dib u billabay, laakiin xaaladda ayaa misna kacsan oo waxaa hadda cabasho keenay waratadii laga eryay dukaamada hortooda.

Waxay ku andacoonayaan inaysan haysan goob kale oo ay waxy ku iibsadaan maadama sida ay hadalka u dhigeen suuqoodii hore iibsadeen dad tujaar ah.

Waratada ayaa sheegay in dowladdu ka bur-burisay meelihii ay kala soo bixi jireen quutul yowmkooda, isagoo xusay inaysan taasi cadaalad ahayn.

Dadka cabanaya ayaa muddooyinkii dambe kusoo badanayay suuqa xaafadda Islii, waxayna hor fariisan jireen islamarkaana alaabo kala duwan ku hor gadan jireen dukaamada waaweyn ee xaafadda.

Isliin ayaa kamid ah meelaha ugu mashquulka badan magaalada Nairobi xarunta dalka Kenya, waxaana ku nool Somalia badan kuwaasoo kuleh ganacsiyo kala duwan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Midowga Yurub: Dhammaan Dowladuhu Waa Inay La Shaqeeyaan Maxkamadda ICC

Afhayeenka Guddiga Yurub Anouar El Anouni, oo ka hadlay shir jaraa’id oo Talaadadii dhacay…

  • Caalamka

    28-07-2026

  • 04:23PM

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM