Suuriya: IS oo laga saaray Magaalada Palmyra

Image

Ciidamada daacada u ah Madaxweynaha dalka Suuriya Bashaar Al Asad oo garab military ka helaya diyaaradaha dagaalka Ruushka ayaa si buuxda ila wareegay gacan ku haynta magaalada Palmyra.

La wareegista Palmyra ayaa ka dambaysay dagaal muddo bilooyin ah qaatey oo daafaha goobtaasi taariikhiga ah ku dhex-marayay ciidamadan iyo kooxda Daacish.

Dowladda Syria ayaa sheegtay in ciidamadeeda, oo ay la socdeen xoogag shiico ah, sidoo kalena ay dhanka hawada ka taageerayaan Ruushka ay markiii labaad muddo sanad ah la wareegeen magaalada Palmyra.

Palmyra oo ku taalla gobolka Homs ayaa waxaa ku yaalla goobo Taariikhi ah, kuwaasi oo dowladda xustay inay burburiyeen Dagaalyahanada Daacish intii ay maamulayeen.

Bishii Maarso, ee sanadkii tagey ayay sidan oo kale u qabsadeen ciidamada dowladda Suuriya magaalada Palmyra, waxaana ay dib uga baxeen bilooyin kadib markaasoo ay cadaadis kala kulmeen xoogaga Daacish.

Daacish ayaa waxaa dhawaan laga saarey magaalooyinka Xalab iyo Deir al-Zor, iyo magaalooyin kale, waxaana hadda ciidamada dalkaasi Suuriya lagu soo waramayaa inay ku wajahan yihiin Magaalada Raqqa oo xarunt u ah Ururkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Hakiyay Duqeymo Dheeraad ah oo Mareykanku ku Qaado Iiraan

Ilaa iyo hadda, Aqalka Cad iyo Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) si rasmi ah ugama aysan hadlin warbixinta.

  • Caalamka

    25-07-2026

  • 07:37PM

Dalalka xubnaha ka ah ICC oo u codeeyey in xilka laga qaado Xeer-ilaaliye Karim Khan

Go’aankan ayaa yimid ku dhowaad laba sano kaddib markii Karim Khan lagu soo…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:57PM