Suuriya: IS oo laga saaray Magaalada Palmyra

Image

Ciidamada daacada u ah Madaxweynaha dalka Suuriya Bashaar Al Asad oo garab military ka helaya diyaaradaha dagaalka Ruushka ayaa si buuxda ila wareegay gacan ku haynta magaalada Palmyra.

La wareegista Palmyra ayaa ka dambaysay dagaal muddo bilooyin ah qaatey oo daafaha goobtaasi taariikhiga ah ku dhex-marayay ciidamadan iyo kooxda Daacish.

Dowladda Syria ayaa sheegtay in ciidamadeeda, oo ay la socdeen xoogag shiico ah, sidoo kalena ay dhanka hawada ka taageerayaan Ruushka ay markiii labaad muddo sanad ah la wareegeen magaalada Palmyra.

Palmyra oo ku taalla gobolka Homs ayaa waxaa ku yaalla goobo Taariikhi ah, kuwaasi oo dowladda xustay inay burburiyeen Dagaalyahanada Daacish intii ay maamulayeen.

Bishii Maarso, ee sanadkii tagey ayay sidan oo kale u qabsadeen ciidamada dowladda Suuriya magaalada Palmyra, waxaana ay dib uga baxeen bilooyin kadib markaasoo ay cadaadis kala kulmeen xoogaga Daacish.

Daacish ayaa waxaa dhawaan laga saarey magaalooyinka Xalab iyo Deir al-Zor, iyo magaalooyin kale, waxaana hadda ciidamada dalkaasi Suuriya lagu soo waramayaa inay ku wajahan yihiin Magaalada Raqqa oo xarunt u ah Ururkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aqalka Cad oo shaaciyey in nooca xanuunka Trump laga helay

Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa sheegtay in xanuunka lagu arkay baaritaan caafimaad oo dhowaan la sameeyey.

  • Caalamka

    19-07-2025

  • 07:15AM

Maxay Israel u Weerartey Suuriya Gaar Ahaan Magaalada Dimishiq?

Weerarkan ayaa yimid kadib markii ay ciidamada dowladda Suuriya galeen gobolka…

  • Caalamka

    16-07-2025

  • 09:18PM