Suuriya: Ku dhawaad 70 Carruur ah oo qarax lagu dilay

Image

Ku dhawaad 70 carruur ah ayaa ka mid ah 126 ruux oo ku dhintay qarax bam oo Sabtidii lagu bartilmaameedsaday basas waday dad laga soo daad gureeyay magaalooyinka go'doonsan ee Suuriya, sida ay sheegeen dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha.

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu dhuftay kolonyo maraysay agagaarka Xalab.

Qolyaha la socda xuquuqda aadanaha Suuriya oo fadhigoodu yahay UK ayaa sheegay in ay dhinteen 109 ruux oo ka mid ah dadkii laga soo daadgureeyay magaalooyinka ay dawladdu haysato, waxaana weheliyay oo iyagana dhintay shaqaale gargaar iyo askarta jabhadaha.

Dad kale oo badan ayaa weerarkaas ku dhaawacmay, sida ay sheegtay kooxdaas xuquuqda aadanaha la socota.

Dhacdo tan ka duwanna, tiro dad ah oo carruur u badan ayaa lagu soo warramayaaa in ay ku dhaawacmeen duqayn ka dhacday magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.

Ugu yaraan saddex gantaal ayaa ku dhacay agagaarka fagaaraha Umayah ee bartamaha magaalada ku yaalla, warbaahinta dawladda iyo kuwa dawladda la jaalka ah ayaa sidaa ku warramay, Telefishinka dawladuna wuxuu ku eedeeyay argagixiso.

BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM