Suxufi mucaarad ku ahaa boqorka Saudi Arabia oo lagu la'yahay Turkiga

Image

ISTANBUL - Suxufi u dhashay dalka Sacuudiga ayaan dib loo arag tan iyo markii uu gudaha u galay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, horraantii toddobaadkan.

Jamal Khashoggi, oo wax ku qori jiray wargyeksa Washington Post, ayaa si dibad-joog oo iskiis ah ugu noolaa dalka Mareykanka tan iyo sanadii tagtey markii mas’uuliyiinta Sacuudiga ay billaabeen inay aamusiyaan codadka mucaaradka.

Suxfigan ayaa aad u dhaliili jiray dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman.

Khashoggi ayaa qunsuliyadda galay maalintii talaadada si uu uga soo qaato warqado la xiriira meherkiisa.

Gabadha jaceylkiisa ah ayaa ku sugeysay bannaanka qunsuliyadda, hase yeeshee Khashoggi dib ugama soo bixin dhismaha, sida ay sheegtay.

Waxa ay mas’uuliyiinta Turkiga ku war-gelisay in la la’yahay, waxayna u yeereen safiirka Sacuudiga. Warbaahinta ayaa sheegtay in safiirka uu la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Turkiga, arbacadii.

Kadib kulanka ayaa Saudi Arabia waxay beenisay inay xirtay Khashoggi.

Related Articles

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM

Falkii Toogashada ee Madxafka Yahuuda ee Washington, D.C. – Faahfaahin Cusub

Dhinaca kale, dhacdadan ayaa xusuusinaysa weerarkii hore ee ka dhacay Madxafka Xusuusta Holocaust ee Washington, D.C., bishii Juun 2009.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 09:47AM