SYRIA: In ka badan 1,000 qof oo lagu dilay bariga Ghouta

Image

SYRIA - Guddiga caalamiga ah ee laanqayrta cas ayaa waxay sheegeen in dadka ku nool magaaladda Douma ee bariga Ghouta ay xaalad xun ku sugan yihiin.

Arrintan ayaa waxay guddiga sheegeen in ay ka dhalatay dowladda Suuriya oo sii xoojisay duqaymaha ay halkaasi ka wado.

Afhayeenka guddiga caalamiga ah ee laanqayrta cas , Ingy Sedky, ayaa sheegtay in dadka ku sugan magaalada Douma aysan dan ka lahayn gargaar soo gaara.

Waxa ay intaa ku dartay in dadka goobtaasi ku sugan waxa ay ka walaacsan yihiin ay tahay sidii ay u sii noolaan lahaayeen oo aysan dagaalada ugu dhiman lahaayn.

Magaalada Douma ayaa ka go'an goobaha kale ee bariga Ghouta ee dagaalada ay ka socdaan.

Guddiga caalamiga ah ee laanqayrta cas ee ICRC ayaa BBC u sheegay in kolanyadii gargaarka ay ka soo laabteen magaalada Douma xilli uu halkaasi dagaal ka socdo.

Kooxaha la socodka xaaladda Suuriya ayaa waxa ay sheegeen in in ka badan 1000 qof oo rayid ah ay dhinteen tan iyo intii ay dowlada billaawday howlgalada bariga Ghouta.

Related Articles

Japan oo 300 oo Heshiis La Gashay Afrika: Iskaashi Taariikhi ah oo Ka Dhashay Shirka TICAD9

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya dhinacyo muhiim ah oo horumarineed sida: kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka.

  • Caalamka

    24-08-2025

  • 05:05AM

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM