Syria: Jamhadaha Kurdishka oo la wareegey Kobane

Image

January 27, 2014 (GO)- Dagaalyahanada Kurdishka ah ee Peshmerga ayaa la wareegey magaalada Kobane ee ku taala waqooyiga dalka Syria, halkaasoo muddo afar bilood ah dagaalo ku dhex marayeen iyaga iyo mileeshiyaadka kooxda xagjirka ah ee Daacish (IS).

Peshmerga ayaa lagu soo warmayaa in xilligan ay gacanta ku hayso 90% magaalada, waxayna ku guuleysatey inay dib u riixdo xoogaga IS oo iyagu khasaare lixaad leh kala kulmey duqeymaha dhanka cirka ee Maraykanka iyo xulafadiisu ku taageerayaan jamhadaha Kurdishka.

Dagaalka magaalada Kobane oo soo bilowdey bishii September ee lasoo dhaafey, waxaa ku geeriyoodey in ka badan 1,600 oo qof sida uu baahiyey urur madax banaan oo u dooda xuquuqul insaanka dadka Syria, fadhigiisuna yahay magaalada London.

Wadamada Reer Galbeedka iyo dalalka Carabta qaarkood ayaa taageero dhaqaale iyo mid militeriba siiya jamhadaha Kurdishka si ay ula dagaalamaan ururka xagjirka ah ee IS una difaacaan magaalooyinkooda. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM