​Syria: Shacab lagu dilay weerar ka dhacay Xalab

Image

Dad gaaraya 74 qof, oo 25 kamid ah ahaayeen caruur ayaa lagu dilay weerar ka dhacay magaalada Xalap ee waqooyiga dalka Syria.

Hay'ada la socodka xadgudubka Syria ayaa sheegtay in dadka shacabka ah ee lagu dilay Xalap ay ahaayeen kuwa ku go'doonsan dagaalka magaaladaasi.

Magaalada Xalap ayaa waxaa ku dagaalamaya xoogaga mucaaradka iyo ciidamada dowlada Syria, waxaana magaaladaasi noqotay goob go'doonsan oo dadku aanay awoodin inay ka baxsadaan.

Colaada Syria ayaa waxaa ku dhimatay ku dhawaad hal milyan oo qof kuwaasi oo u badan shacab waxaana dagaalka dalkaasi uu galay mudo 5 sano ah.

Madaxweyne Bashaar Al Asad ayaa dagaallo kula kulmayo Mucaaradka qunyar socodka ah iyo Mintidiiinta Daacish, kuwaasi oo doonayo inay ridaan dowladiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM