Taangiyadda Yahuuda oo lagu arkay magaalo ku dhow xuduudka Masar

Image
Tallaabadan ayaa timid saacado ka dib markii Xamaas ay ku dhawaaqday inay aqbashay hindise xabbad-joojin ah.

WASHINGTON, USA - Hogaamiyayaasha Israa’iil ayaa ansixiyay howlgal milatari oo lagu qaado magaalada Rafah ee Marinka Qaza, waxaana ciidamada Israa’iil ay hadda duqaynayaan bartilmaameedyo aaggaas, sida ay saraakiishu sheegeen Isniintii.

Tallaabadan ayaa timid saacado ka dib markii Xamaas ay ku dhawaaqday inay aqbashay hindise xabbad-joojin ah oo ay diyaariyeen Masar iyo Qatar, taasoo soo afjari karta dagaalka toddobo bilood ah ee Gaza.

Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka ee Falastiin iyo sarkaal Masar ka tirsan ayaa sheegay in taangiyada Israa’iil ay gudaha u galeen magaalada Rafah ee koonfurta Gaza, iyagoo gaaray meel 200 oo mitir u jirta marinka ay ka soo galaan dalka ay deriska yihiin ee Masar.

Sargaalka Masar u hadlay ayaa sheegay in howlgalka uu u muuqday mid xadidan. Isaga iyo TV-ga Xamaas ee Al-Aqsa ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Israa’iil ay ku wargeliyeen Masaarida in ciidamadu ay baxayaan marka ay dhammeeyaan howlgalka.

Milateriga Israa’iil waa ay diideen inay ka hadlaan. Maalintii Axadda, dagaalyahannada Xamaas ee ka ag-dhawaa isgoyska Rafah ayaa madaafiic ku garaacay koonfurta Israa’iil, halkaas oo ay ku dileen afar askari oo Israa’iiliyiin ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM