​Taliban iyo IS oo sheegtay qarax lagu dilay 73 ruux dalka Pakistan

Image
Image
Image

Wararka laga helayo dalka Pakistan ayaa sheegaya in kooxaha Taliban iyo Daacish sheegteen weerar maalintii Isniinta ka dhacay Cusbital ku yaalla magaalada Quetta ee galbeedka dalka Pakistaan.

Qaraxaasi waxaa ku dhintay 73 ruux oo in kabadan darsin ay ahaayeen Qareenno iyadoo goobaha caafimaadka la jiifiyay tiro intaasi ka badan.

Dadka dhintay waxaa sidoo kale kamid ahaa labo sawir qaade sida ay xaqiijiyeen laamaha booliiska.

Weerarka ayaa ka dhacay qaybta gurmadka deg dega ah ee xaruntaasi Caafimaad taaso aroortii hore ee Isniinta la geeyay Maydka Qareen caan ahaa oo toogasho lagu dilay, waxaana lagu magacaabi jiray Bilaal Anwar Kasi.

Booliiska dalka Pakistaan ayaa sheegay in weerarkaasi uu fuliyay ruux isku soo xiray walxaha qarxa.

Ra'iisul wasaaraha Pakistan, Nawaz Sharif, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dhimashada 73-da ruux ee lagu dilay isbitaalka.

Waa weerarkii ugu xumaa ee muddo ka dhacay gobolka Balochistan.

Wasiirka laga soo doorto gobolka dhibku ka dhacay ayaa goor sii horraysay ku eedeeyay dalka India.

2010-kii ayaa weerar caynkan ah lagu qaaday xarun caafimaad oo ku taalla waddanka Pakistan taasoo ay ku dhinteen dad badan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM