Taliban oo qabsatay marinka Afghanistan ee Tajikistan

Image

KABUL, Afghanistan - Taalibaan ayaa qabsadey marinka ugu weyn ee Afghanistan ee Tajikistan, sida ay sheegeen saraakiil heer gobol ah iyo ciidamadda ku sugan sohdinta, iyadoo qaar ka mid ah askarta amniga ay ka tageen xarumahoodii una carareen dhanka xadka.

Qabsashada Shir Khan Bandar, oo ku taal waqooyiga fog ee Afghanistan qiyaastii 50km (30 mayl) u jirtanamagaalada Kunduz, ayaa ah faa'iidada ugu weyn ee Taliban ay heshay tan iyo markii ay xoojisay hawlgalkeeda wixii ka dambeeyay 1-dii Maajo markii Mareykanku uu bilaabay in uu haraagiisii ugu dambeeyay kala baxo waddankan colaaduhu la dageen.

Sarkaal ka tirsan ciidamada ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP: “Waxaa nalagu qasbay inaan ka tagno dhamaan goobihii baaritaanka… qaar ka mid ah askarteena waxay ka gudbeen xadka Tajikistan.

Afhayeenka Taliban Zabihullah Mujahid ayaa xaqiijiyay in dagaalyahanada ay qabsadeen marinka xadka ee dhanka wabiga Pyanj. "Mujaahidiinteennu waxay si buuxda gacanta ugu hayaan Shir Khan Bandar iyo dhammaan xuduudaha laga soo galo Tajikistan ee Kunduz," ayuu yiri.

Weerarka ayaa imanaya iyadoo ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Afghanistan uu ka digay in dagaalyahanada Taliban ay qabsadeen in ka badan 50 degmo oo ka mid ah 370 degmo oo ka tirsan wadanka tan iyo bishii May isla markaana dagaalada sii kordhaya ay "macnaheedu tahay amaan darada ku soo korortay dalal badan oo kale, kuwa dhow iyo kuwa fog".

Dagaal qaraar oo u dhaxeeya Taliban iyo ciidamada dowlada Afghanistan ayaa ka dhacay duleedka seddex magaalo madax goboleed oo dhaca waqooyiga gobolada Faryab, Balkh iyo Kunduz maalmihii la soo dhaafay, sida ay saraakiishu sheegeen.

Guulaha Taliban iyo bixitaanka joogtada ah ee haray 2,500-3,500 ciidamada Mareykanka iyo 7,000 oo ciidamada NATO ah ayaa si deg deg ah u wiiqay dadaalada lagu doonayo in lagu helo wada hadal lagu dhammeeyo geedi-socodka daba dheeraaday ee nabadeynta Afghanistan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM