​Taliban oo sheegatay weerar ka dhacay Afghanistan

Image

Ururka Taliban ayaa sheegtay weerar culus oo lagu qaadey xarunta Maxkamadda sare ee dalka Afghanistan, oo ku taalla magaalada caasimada ah ee Kabul.

Afhayeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Afghanistan Najibullah Danish ayaa u sheegay AFP in qof isku soo xiray walxaha qarxa uu fuliyay weerarka oo lala eegtay shaqaalaha Maxkamada, oo xilligaasi goobta ka baxayay.

Dowladda Afghanistan ayaa xaqiijisay in 19 ruux ay ku dhimatay weerarka, sidoo kalena ay 42 kale ku dhaawacmeen, kuwaasi oo u badan shaqaalaha Maxkamada sare ee la qarxiyay.

Ninka isqarxiyaha ah ayaa beegsaday shaqaalaha, oo fuuliaya gaadiidka, kana tagayay goobta shaqo, kuna sii jeeday Guryahooda, sida uu Afhayeenka sheegay.

Goobta at Taliban weerarka ka fulisay waxay ku dhawdahay Garoonka Diyaaradaha magaalada Kabul, iyo dhisamaha Safaaradda Mareykanka, oo amnigeed si aad ah loo adkeeyay.

Bishii lasoo dhaafay ugu yaraan 30 qof, oo shacab u badan ayaa lagu dilay qarax ka dhacay xarunta baarlamaanka Afghanistan ee magaalada Kabul, waxaana mas'uuliyada weerarka sheegtay Taliban.

Dalka Afghanistan waxaa la degay dagaallo iyo amni darro wixii ka dambeeyay markii ay Reer Galbeedka ay weerarka ku qaadeen dalkaasi 2001, xilligaasi oo Taliban ay maamulayeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM