Taliban oo weerartay xabsi ku yaalla Afganistan

Image

14 September, 2015(GO)-Weerar saaka aroortii lagu qaaday xabsi ku yaalla gobolka Ghazni ee Afanistan ayaa waxaa ku dhintay 4 ka mid ah ciidamda Boliska dalkaasi, halka lagu dhawacay 7 kale.

Weerarka waxaa fuliyay ururka Taliban sida uu xaqiijiyay Afhayeen u hadlay oo lagu magacaabo Zabihullah Mujaahid oo sheegay in mid ah dagaalyahanadooda isku qarxiyay albaabka xabsiga.

Taliban dagaalka waxaa uga dhintay saddex ka mid ah kooxdii weerarka qaaday.

Xabsiga ayaa laga sii daayeen 350 maxbuus sida laga soo xiganayo ilo wareedyo ka agdhawaa goobta falku ka dhacay.

Ragga weerarka fuliyay ayaa ku labisnaa dhar ciidan sida uu sheegay ku-xigeenka guddomiyaha gobolka Ghazni Maxamed Cali Axmadi.

GAROWEONLINE.

Related Articles

Trump oo Cunaqabateyn Cusub Saaray Ruushka

Shirkadda Rosneft, oo ah tan labaad ee ugu weyn dalka, ayaa sanadkan sheegtay…

  • Caalamka

    23-10-2025

  • 07:42AM

Kaneeco Lagu Arkay Iceland Markii Ugu Horraysay Kaddib Kulayl Xad-dhaaf ah oo Dalkaasi Ku Dhuftay

Cilmi-baarayaashu waxay sheegeen in isbeddelka cimilada, gaar ahaan kulaylka xad-dhaafka ah ee la diiwaangeliyay xagaagan.

  • Caalamka

    22-10-2025

  • 11:26AM