Taliyaha ciidanka Brundi oo ka bad-baaday isku day dil

Image

11 September, 2015(GO)-Taliyaha guud ee ciidanka Brundi General Prime Niyongabo ayaa lagu weeraray Caasimada Bujumbura xilli uu la socday kollonyo gaadiid ah oo ku sii jeeday xafiiskiisa Subaxnimadii hore.

Weerarkan waxaa fuliyay rag ku labisnaa dharka ciidanka dalkaasi, waxaana ku dhinteen 7 askari oo ay ku jiraan ugu yaraan afar kamid ah illalada taliyaha.

War ka soo baxay Booliska dalkaasi ayaa lagu sheegay in taliyuhu haatan bad qabo isla markaana uu fashilmay weerar qorshaynaa oo la doonayay in lagu khaarajiyo.

Falkan ayaa imaanaya xilli bilihii la soo dhaafay dalkaasi ka dhacayeen rabshado ka dhashay doorashada madaxweynaha Brundi Pierre Nkurunziza oo markii saddexaad xilka qabtay.

Dastuurka dalka Brundi ayaa ogol in madaxweynahu xilka qaban karo labo jeer.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM