Taliyihii Ciidamada South Sudan oo geeriyooday

Image

JUBBA - Waxaa maanta oo Jimco ah dalka Masar ku geeriyoodey Taliyihii Ciidamada qalabka sida ee South Sudan General James Ajongo Mawut, sida ay xaqiijisay dowladda maanta oo Jimco ah.

War Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha South Sudan Salva Kiir ayaa lagu xaqiijiyay geerida Taliyaha, kaasi oo ku xanuusanaa mudooyinkii dambe Isbitaal ku yaalla magaalada Qaahira.

Wali ma cadda xanuunka uu u geeriyooday Mawut, balse qoyskiisa ayaa sheegay in Jeneraalka uu mudo billooyin ah uu ku sugnaa Kenya, isagoo raadinaya daryeel caasimaad, kahor inta aan loo qaaday Masar.

Afhayeen u hadlay dowladda oo lagu magacaabo Ateny Wek Ateny ayaa xusay in uu aad uga naxay geerida General James Ajongo, oo uu ku tilmaamay inuu ahaa shaqsi usoo halgamay dalkiisa.

General James Ajongo ayaa la filayaa in loo sameeyo aas-qaran, waxaana dowladda ku dhawaaqday saddex maalin oo boqoor-diiq ah, iyadoo calanka dalka hoos loo dhigi doono maalmahaasi tacsida ah.

Mawut, oo kasoo mid noqday jabhadii dhaq-dhaqaaqa xureynta South Sudan 1983, ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka dalkaasi May, 2017 kadib markii xilka laga qaaday Gen. Paul Malong.

South Sudan oo ka go'day gobollada waqooyi ee Sudan July 11, 2011 ayaa waxaa la dagay colaad u dhaxeeya Salva Kiir iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore Riek Machar oo fallaagoobay markii xilka laga qaaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Heshiiska Iiraan wuxuu ka dhigi doonaa Marinka Hormuz mid si joogto ah u furan

Wareysi uu bixiyey Axaddii, Trump wuxuu sheegay in haddii Tehran ay ku guuldarreysato…

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 03:12AM

Iran oo shaacisay waqtiga la aasayo Ayatollah Ali Khamenei 100 maalin kadib dilkiisa

Waxayna inta dhexeyso 4-ta ilaa 9-ka Luulyo ka dhici doonaan magaalooyinka Tehran, Qom, iyo Mashhad.

  • Caalamka

    13-06-2026

  • 12:43PM